Ergayga Midowga Yurub Oo U Kala Dab-Qaadaya Madaxweyne Biixi Iyo Madaxda Mucaaradka

0
570

Hargeysa(Geeska)-Ergayga Midowga Yurub danjire Nicolas Berlanga ayaa u kala dab qaadaya Madaxweyne Biixi iyo madaxda labada xisbi mucaarad.

Ergayga oo shalay socdaal ku yimid Hargeysa, ayaa wuxuu xalay fiidkii kulankiisa koowaad la yeeshay Madaxweyne Biixi, waxaanay wararka soo baxayaa sheegayaan inuu Madaxweyne Biixi ka aqbalay soo jeedin uu u gudbiyay oo ah inuu ka noqdo go’aanka furista ururada siyaasadda oo uu Madaxweyne Biixi labada gole ka hor sheegay, taas bedelkeedana uu xisbiyada Waddani iyo UCID ku qancin doono inay aqbalaan guddiga doorashada ee wakhtigan oo ay soo magacaabaan labadii xubnood ee guddiga ugu jiray.

Ergayga ayaa sidoo kale wuxuu xalay kulankiisa labaad la yeeshay madaxda xisbiyada mucaaradka, mana jiro war rasmi ah oo ka soo baxay, waxase uu u bandhigay qorshaha uu soo diyaariyay ee uu ku doonayo inuu isugu soo dhaweeyo iyaga iyo Madaxweyne Biixi oo ah inay iyaguna ku qancaan guddiga doorashada soona magacaabaan labadooda xubnood, Madaxweyne Biixina uu joojiyo furista ururada siyaasadda.

Warar kalena waxay sheegayaan in sidoo kale uu ergaygu wato in guddigii hore ee doorashooyinka ee wakhtigu ka dhammaaday ay qaab weli la cadayn ula shaqeeyaan guddiga doorashada ee wakhtigan.

Lama oga in madaxda mucaaradka ee Waddani iyo UCID aqbali doonaan guddiga doorashada oo ay soo magacaabi doonaan xubnahooda iyo inay ergayga ka diidi doonaan soo jeedintiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here