Dhaqanno U Muuqda In Ay Fududyihiin Oo Qofka Caadaysta Sumcaddiisa Dila (Qaybta 1aad)

0
898

Qormadan waxa aynu k ueegaynaa habdhaqanno dadka qaarkii ula muuqda in ay fudud yihiin, oo la ogaaday in ay khatar ku yihiin xaaladda nafsiga ah ee qofka, tamartiisa iyo sumcaddiisa. Waxa kale oo aynu raacin doonnaa tusaaleyaal ay xeeldheereyaashu u hayaan qofka doonaya in uu dabeecadahaas ka guuro.

Beenta

Is muujinta iyo in uu qof ama dad kale wanaaggiisa tuso ayaa dadka qaar ku kallifta in ay been sheegaan. Beenaha ay aadka ugu dheereeyaan waxaa ka mid ah in ay buunbuuniyaan guulahooda iyo horumarka ay gaadheen ama soo kordhiyeen.

Xaqiiqada beentu goor ay gaadhaba waa ay fashilantaa. Marka ay bulshadu ogaatana waxa ay abuurtaa in uu hoos u dhaco ixtiraamka iyo wanaagga qofka loo hayey, illaa ay gaadho in qofku uu waayo xidhiidh daacadnimo iyo soo dhoweyn uu bulshada ka helo.

Iska jir in aad been sheegto xitaa haddii ay yartahay, ama aad aaminsantahay in ay tahay been aan dhayal lagu ogaan karayn.

Canaan badnaan

Waxaa jira dad qaladaadka ka dhaca iyo gefafkooda u raadiya sabab cid kale ka timi, ama canaanteeda cid kale u xambaariya. Waxa se aanay dareensanayn in qofka oo qiran waaya qaladaadkiisu, ay tahay calaamad muujinaysa in aanu masuul ka ahayn ficilladiisa.

Waxa ay khubarada cilmiga bulshadu xaqiijiyeen in qofka oo qaladaadkiisa qaadan waayaa ay tahay calaamad bulshada ku xeeran ee arkaysaa ay ka qaadan karto in aanu xil kas ahayn ama diyaar u ahayn in uu masuuliyaddiisa qaato, taasina ka fogeyso.

Hawl aad aqoonteeda ama xirfaddeeda aqoon u leedahay ha uga joogsan cabsi aad ka qabto in uu qalad kaa dhaco. Haddii uu gef ka dhaco hawsha aad haysatayna qiime oo qaado masuuliyaddiisa, adiga oo aan ka gabbanna u sheeg cidda ay tahay in ay ogaato qaladkaas. Waxa keliya ee muhiimka ahi waa in aad daraasayso sida uu ku dhacay, kalana soo baxdo casharro aad ka barato xeeladda iyo waayo-aragnimada aad kaga badbaadi karto in uu qaladkaasi mar kale soo noqdo.

Ha qarsan dareenkaaga dhabta ah

In qofku uu dareenkiisa dhabta ah qariyaa waa calaamad muujinaysa in aanu ku dhac u lahayn galaangalka iyo la macaamilka bulshada ku xeeran. Waxaa jiri kara sababo kala duwan oo qofka ku kallifaya in uu dareenkiisa qariyo, waana suurtagal in mararka qaarkood suurtagal loo arko. Laakiin waxa ay khubaradu isku waafaqsan yihiin in joogtaynteeda ama si guud marka loo qiimeeyaba ay tahay calaamad fulaynimo.

Ku dadaal in aad dareenkaaga muujiso. Dareenkaaga oo aad qarisaa waa khilaaf iyo is la jaanqaadi waa ku dhex jira naftaada iyo dareenkaaga, waana arrin uu qof kasta oo indhahaaga iyo wejigaaga eegaa dareemi karo. Sidaas awgeed in aad dareenkaaga qariso waxaa ka fiican in aad badheedhahaaga dhiibto, sababtiisana sheegto, haddii lagu qanciyana aad tanaasusho. Waa sida keliya ee qofku heer kasta oo uu xidhiidhkiinu gaadhsiisan yahay, uu ku qiri karo in aad run badane tahay. Kalsooni dheeraad ahna kuu gelinaysa bulshada.

Haddii qofku uu muddo badan caadaysto in uu dareenkiisa qariyo, waxa ay taasi ugu dambaynta sababtaa qarax, iyo in ay ka dhashaan cawaaqib xumo khatar ah oo wax badan ka xumayn kara xidhiidhka uu bulshada la leeyahay ama naftiisaba burburin kara.

Cabasho

Cabashadu waa hab uu aadamuhu laabtiisa kaga bogsiiyo xanuunka iyo walbahaarka ay ku hayso arrin uu u arko in ay qalad ku tahay, ama dhib uu dareemayo in laga caawin karo fudaaminteeda, sidaa awgeed uu u sheego cidda uu caawimadaas ka filan karo.

Laakiin waxaa jira dadka qaar dhaqan iyo dabeecad ay u tahay in aanay ka raalli noqon wax kasta oo ku xeeran. Waxa ay mar kasta ka warramaan xaaladaha taban ee ay la kulmaan waxa aanay jecel yihiin in cabashadooda la dhegeysto, waa se dabeecad la isku naco. Haddii aad tahay dadka caadadan leh, waxaa muhiim ah in aad naftaada la shirto, si dhab ahna isu weydiiso baahida aad u qabto tawaawaca iyo in aad qof kasta u sheegto dhibaatooyinka ku haysta. Waa suurtagal in ujeedada kugu kallifaysaa ay tahay in dadka kale aad ka hesho calool dabac, ama in aad ka baqo qabto in aanad naftaada difaaci karin, kaddib marka aad ku guuldarraysato arrin lagaa sugayey, sidaa awgeed aad raadinayso hab aad gaabiskaaga garawshiyo ugu hesho. Labadaas mid kasta oo ay tahayba waxaa hubaal ah in aanay ku caawinayn, sidaa awgeed naftaada bar kalsoonida caadana ka dhigo.

Iska jir nolol aanad lahayn

Qaladaadka ugu waaweyn ee aadamaha ku dhaca waxaa ka mid ah in qofku uu noolaado nolol aan tiisa ahayn. Waxaa looga jeedaa in hab nololeedkaagu uu noqdo mid aan la jaanqaadi karin dakhligaaga iyo duruufahaaga dhaqaale ee runta ah. Haddii aad dhaqankaa leedahay ku bishaarayso in aad naftaada ku hoggaaminayso jid aanad mahadin doonin.

Waxaa muhiim ah in qofku uu si maangal ah u qiimeeyo dakhligiisa, wax iibsigiisa iyo kharashaadka uu bixinayana ku saleeyo dakhliga runta ah ee soo gala, isaga oo weliba maskaxda ku haynaya muhiimadda ay leedahay in uu kayd yeesho. Iska jir iibsiga aan sii qorshaysnayn ee aragtida shayga uun lagu go’aamiyo. Haddii aanad dakhligaagu hadda kugu filnayn, ka fikir sida aad ku kordhin karto dakhligaaga, si uu baahiyahaaga nololeed u daboolo. Talada ugu muhiimsanina waa in aad intii suurtagal ah ka fogaato deyn qaadashada.

Isla qummanaan

Waa dabeecadda aadamaha in la kala aragti duwanaado iyo in labada qof ay doodi dhex marto. Waa muhiim haddii dood iyo aragti is dhaafsi la isugu yimaaddo in aad aragtidaada si cilmi iyo caqli ku dhisan u difaacdo. Laakiin ha noqon qof mar kasta ku hawlan rumaynta fikirka uu qabo, xitaa haddii sheeko caadiya la wadaagayo. Ogow in dad kalana ay xaq u leeyihiin in ay aragtidooda muujiyaan, xitaa haddii aad adigu ka saxan tahay.

In dood kasta aad ku gacansarraysaa yaanay noqon ujeedadaada ugu weyni, balse ha noqoto in aad aragtidaada soo dhigto, xujadaadana caddayso xitaa haddii aanu qofka ku dhegeysanayaa ku qancin.

La soco…

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here