Ergayga Qaramada Midoobay Oo Soo Dhaweeyay Qorshaha Raysalwasaare Abiye Ku Kulansiiyay Madaxweyne Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo

0
753

Hargeysa(Geeska)-Ergayga Qaramada Midoobay danjire James Swan, ayaa ku baaqay in doorashooyinka Somaliland qabsoomaan sannadkan 2020 intaanu dhammaanin.

Ergayga oo khudbad ku saabsan arrimaha Soomaalida u jeediyay golaha ammaanka Qaramada Midoobay, wuxuu jilayaasha siyaasadeed ee dalka ugu baaqay inay xal u helaan is mari-waaga hortaagan doorashooyinku inay qabsoomaan. Waxa kale oo uu soo dhaweeyay kulankii Madaxweyne Biixi iyo Farmaajo ku dhex maray Addis Ababa. “Doorashooyinka Somaliland waa in la qabtaa, iyadoo doorashooyinka Somaliland markii u dambaysay la qabtay sannadkii 2005, waxaanan ugu baaqayaa maamulada iyo dhammaan jilayaasha siyaasadeed inay xal u helaan is mari-waaga doorashooyinka baarlamaanka iyo deegaankuba inay Somaliland ka qabsoomaan inta ka horaysa dhammaadka 2020.” Ayuu yidhi ergaygu, waxaanu isagoo ka hadlaya kulankii Biixi iyo Farmaajo uu intaas raaciyay  “Waxaan ognahay in Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed uu horaanti bishan kulan u abaabulay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Waxaan ka rajaynaynaa wada shaqayn dheeraad ah oo salka ku haysa wada hadal wax ku ool ah.”

Sidoo kale ergada Maraykanka ee  Qaramada Midoobay ayaa soo dhawaysay kulanka Biixi iyo Farmaajo ee Addis Ababa ka dhacay. Rodney Hunter oo madasha ka hadlay ka dib markii uu ergayga Qaramada Midoobay khudbad jeediyay ayaa sheegay inuu rajaynayo in kulankaasi sabab u noqon doono dib u heshiisiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here