Dhaqanka Reer Galbeedku Waxa Uu Sabab U Ah Qulubka Iyo Diiqadda Ku Badan Dadkiisa

0
1185

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis natiijadeeda lagu faafiyey majaladda Newsweek ee ka soo baxda dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in qiyamka reer galbeedku ay masuul ka yihiin diiqadda iyo niyad xumada dadka reer galbeed waqtiyadan dambe ku soo badanaya. Cilmibaadhistan oo uu sameeyey Brook Bastian oo ah bare-sare oo cilminafsiga ka dhiga jaamacadda Melbourne ee dalka Ustareeliya ayaa sheegtay in isku-buuqu uu aad ugu soo badanayo dhaqanka reer galbeedka, sida dalalka Maraykanka, Kanada, Faransiiska, Jarmalka iyo Niyuu-Siilaand, marka la barbar dhigo dalalka reer bariga lagu magacaabo.

Xaaladaha nafsiga ah ee isku-buuqa, qulubka, sakatiga iyo walaaca aan sababta lahayn ayaa noqday xanuunno dunida maanta aad ugu soo badanaya, laakiin waxa ay daraasaddani ku xidhiidhinaysaa dhaqanka soo jireenka ah iyo hab-nololeedka bulshooyinka oo ay ku doodayso in ay sii dhiirrigeliyaan ama sabab u yihiin xaaladahan.

Waxa ay culimada cilminafsigu hore u sheegeen in hab-nololeedka casriga ah oo cuntadu ka mid tahay, sida cuntooyinka degdegga ah ay sabab u noqdaan cudurro ay ka mid yihiin macaanka iyo wadne xanuunka, xanuunnadan laftooda ayaa iyaguna qofka ku keena saamayn nafsiga ah oo wax ka beddesha hab-dhaqankooda.

Xeeldheerahan u dhashay dalka Ustareeliya waxa uu sheegay in dhaqanka reer galbeedku uu mararka qaarkood khatar ku keeno caafimaadka maskaxda.