Masuuliyiin Beeniyay Inay Ka Baxayaan Xisbiga Waddani

0
819

Hargaysa(Geeska):-Guddoomiyaha shannaad ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Milgo Maxamed Cilmi (Milgo sanbalooshe) iyo Xoghaye ku-xigeenka arrimaha bulshadda ee Xisbiga WADDANI Hinda Xasan Idiris, ayaa si wada-jir ah uga hadlay warar maalmihii u danbeeyay lagu falan-qaynnaayay baraha ay bulshaddu ku kulanto.

Guddoomiyaha Shannaad ee Xisbiga WADDANI    Milgo Maxamed Cilmi iyo Ku-xigeenka Xoghayaha arrimaha bulshadda Hinda Xasan Idiris, waxay shaaciyeen inaanay wax-ba ka jirin wararka sheegaaya inay ka baxayaan Xisbiga WADDANI, waxaannay wararkaas ku tilmaameen kuwo aan sal iyo raad toonna lahayn, isla markaanna ay abuurreen Masuuliyiin dano gaara lihi, waxaannay labaddan Mas’uul sidaa ku sheegay iyagoo u waramay shabakada hadhwanaag news.