Dhaqanka Isu Xoogsheegashada Carruurta Ama Cawaandadda Iyo Siyaabaha Loola Macaamili Karo (Q.2)

0
917

Waa qaybtii labaad ee qormada aynu u eegaynay dhaqana u xoogsheegashada carruuraha kale ee lagu arko carruurta qaarkood, sababaha keena iyo siyaabaha ilmaha dhaqankaas leh loola macaamili karo.

  1. Xiise uu u qabo soo jeedinta dareenka waalidka ama macallimiinta ama saaxiibbada dugsiga

Mararka qaarkood waxaa dhacda in ilmauhu uu dareemayo in dadka ku xeerani aanay dhaadsanaynba jiritaankiisa, ama ay quudhsanayaan. Waxa uu dareemaa labada waalid ama midkood oo uu u arko in aanu jacayl u haynin, ama macallimiinta iyo saaxiibbadiisa dugsiga oo uu ka tirsado in aanay kaalintiisa aqoonsanayn. Dareenkani waxa uu ilmaha ku kallifaa in u uku kaco habdhaqan uu u arko in uu dareenka dadyowgan si qasab ah xaggiisa ugu soo jeedinayo.

  1. Ammaan darro uu dareemo ama kalsoonida uu naftiisa ku qabo oo yar

Marar badan waxaa dhacda in ilmuhu uu dareemo in aanu haysan taageere ama shakhsi jacayl dhab ah u qaba oo uu magangelyo ka raadsado xaaladaha adag, waxaa kale oo dhacda in kalsoonida ilmuhu naftiisa ku qabaa ay ka hoosayso intii dabiiciga ahayd.  Arrimahani waxa ay ilmaha ku riixaan in isaga oo aan is dareensanayn uu raadsado qof ka liita itaal ahaan ama nafsad ahaan, oo uu kula dhaco ciilma u qarsoon.

Marka uu qofkaas kula kaco dhibaatayn iyo xaqiraaad ama garaacis ayaa uu isaguna dareemaa in uu muhiim yahay ama uu leeyahay shacbiyad iyo taageero ama in uu saamayn ku yeelan karo dadka ku xeeran.

  1. Haddii isaga hore loogu cawaandadooday

Haddii ilmuhu uu hore ula soo kulmay cawaandad iyo u xoogsheegasho badan waxa ay kaga tagtaa raad nafsadeed oo uu mar kasta raadiyo cid intii ku dhacday oo kale uu kula kaco. Waxaa dhici karta in u uku abuurmo dareen ah in habdhaqankaas ku dhacay uu yahay ka saxda ah ee qofku haddii uu sameeyo bulshada ku xeeran kaga kasban karo xurmayn.

Mararka qaarkoodna waxaa dhacda in ilmuhu uu ku biiro koox isu bahaysatay u xoogsheegashada carruurta kale, iyada oo sababta ku kallifaysaa ay tahay keliya cabsi uu ka qabo in haddii aanu iyagaraacin uu isagu noqon doono dhibbanaha xiga ee ay kula kici doonaan dhaqankan. Marka uu iyaga dhexgalo ayaa uu dareemaa awood iyo in uu bulshada qayb ka yahay, sidaas awgeed waxa uu jecel yahay in uu ka mid noqdo.

  1. Dareenka ayaa aanu maamuli karin

Xaaladah qaarkood u xoogsheegashada ilmuhu waxa ay ku timaaddaa dabeecad cadaawadeed ka dhalata dabeecad xumo iyo ilmaha oo aan ka adkayn in uu cadhadiisa xakamayeeo. Niyadxumo ilmaha la soo derista ayaa iyaduna ku kallifta dabeecadda ah in uu carruurta kale u xoogsheegto.

Xaaladdan oo kale xeeldheereyaasha cilminafsigu ilmaha waxa ay ka caawin karaan sida ugu habboon ee uu dabeecadihiisa u xakamayn karo, iyo in ay wanaajiyaan awooddooda bulsho dhexgal.

  1. Ilmaha oo aan garanayn heerka ay gaadhsiisantahay dhibta uu geysanayaa

Mararka qaarkood carruurta waxaa dhaqankan ku kallifa ilmaha oo maskaxdiisu aanay awood u lahayn in ay qiimayso culayska dhibta uu ilmaha kale u geysanayo. Waxa ay xaaladdani ku badantahay marka uu ilmuhu da’ ahaan aad u yar yahay. La soco…