Dadka Soogalaytiga Ah Oo La Ogaaday In Ay Kaalin Weyn Ku Leeyihiin Koboca Dhaqaalaha Dalka

0
741

In badan ayaa aynu maqalnaa dunida reer galbeedka iyo guud ahaan adduunka oo ka cabanaya soogalaytiga, mararka qaarkoodna xisbiyada siyaasadda ee dalalkaasi ay ku doodayaan in culays dhaqaale iyo saboolnimada oo badata ay ku keenayaan dalalkooda.

Laakiin daraasado kala duwan oo la sameeyey ayaa marar hore iftiimiyey in soogalaytigu uu kaalin muhiim ah ka qaato sii socoshada horumarka dalalka ay tagaan, gaar ahaan dhinaca cududda shaqaale oo ay kordhiyaan iyo sii jiritaanka qaramada dadkoodu gaboobay oo ay rejo cusub geliyaan.

Daraasad cusub oo Ingiriiska lagu sameeyeyna waxa ay sheegaysaa in magaalooyinka Ingiriiska ah ee ay dadka ugu badan ee soogaleytiga ahi joogaan in dhaqaalahoodu uu mar kasta ka fiican yahay deegaannada kale ee aanay soogalaytigu aad u tegin.,

Sahamino lagu sameeyey magaalooyin kala duwan oo ka tirsan goballada England iyo Wales ayaa caddaysay in xidhiidh aad u xooggani ka dhexeeyo heerka barwaaqada iyo dhaqaale iyo nolol wanaagga magaalooyinkan iyo badnida kala duwanaanshiyaha isir ee dadka ku dhaqan.

Mar kasta oo kala duwanaanshiyaha bulshadu batana uu yimaaddo koboc dhaqaale iyo barwaaqo.