Madaxweyne-xigeenka Oo La Dabaal-degay Arday Ka Qalin Jebisay Machadka CSI

0
587

 

qalinHargeysa(Geeska)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane ‘Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici’’ ayaa shalay 87 xubnood oo ka qalin jabiyey Machadka shaqaalaha Dawlada ee CIS shahaadooyin ku gudoonsiiyey Hoteel maansoor ee Magaaladda hargeysa, isla markaana halkaas kulan hawleed ugu furay soddon xubnood oo ka kala socday shaqaalaha Komishanka Qaran ee ka hortaga Xanuunka Aydhiska iyo Hay’adaha xidhiidhka wada shaqaynayd ay leeyihiin.

Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen madaxweyne ku xigeenka Wasiirada Arimaha gudaha, Maaliyada, shaqada iyo arimaha bulshada, iyo gudoomiyaha Hay’ada shaqaalaha, ayaa ugu horeyn waxa halkan ka hadlay gudoomiyaha Machadka shaqaalaha dawlada Mudane Maxamed Mixile Boqore, kaas oo faahfaahin ka bixiyey ardayda ka qalin jabisay xiligan machadka, kuwaas oo uu ku sheegay Todoba iyo sideetan arday, kuwaas oo Todoba iyo sodan ka mida ay qaadanayaan shahaadada Digreega, waxaana uu ku Aamaanay ardaydaas dedaalkoodii waqtiga waxbarashada.

Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Mudane Cabdi casiis Maxamed Samaale, ayaa isna madashaa ka balan qaaday in Wasaarad ahaan ka gacan siinayaan machadka wixii baahiya ee dhinacooda kaga yimaada, waxana uu sheegay in ay qayb ka yihiin shaqaalaha Wasaaradiisu ardayda qalin jabinaysa.

Gebagebadii Madaxweyne-xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Cabdilahi Ismaaciil, ayaa ku tilmaamay wax lagu farxo shaqaalaha dawlada ee dhamaystay waxbarashada ay kor ugu qaadayaan aqoontooda, iyagoo shaqadooda ku guda jira isaga oo tilmaamay in aqoontu tahay tan horumarka lagu gaadho, waxana uu tilmaamay in aqoontaas ay barteen uu rajanayo in Wasaaradihii iyo hay’adihii ay ka yimaadeen ay kula noqon doonaan kuna tayey doonaan waxqabadkooda.