Dhakhaatiirta Ka Digtay Barnaamijka FaceApp Ee Lagu Eego Isbedellada Ay Da’du Ku Keeni Karto Muuqaalka Qofka

0
898

Washington (Geeska)- Maalmihii u dambeeyey waxaa shabakadda internet ka gaar ahaan baraha bulshadu ku xidhiidhaan ee dunida oo dhan buux dhaafiyey sawirrada wejiyo hal qof ah oo leh muuqaallo kala duwan, waxa aanay dadku barahooda soo dhigayeen sawirradooda oo da’da ay yihiin ka weyn ama ka yar, taas oo ay uga tusaale qaadanayeen muuqaallada laga yaabo in ay mustaqbalka yeeshaan, marka ay da’du soo gaadho timuhuna cirraystaan.

Wargeyska The Independent ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa maqaal uu arrintan ka qoray waxa uu ku sheegay digniin culus oo uu dadka ugu sheegayo in barnaamijkan sawirrada gabawga gelinaya iyo isticmaalkiisu ay khatar ku yihiin caafimaadka qofka, maadaama oo uu dad badan ku dhiirrigeliyey in ay dhaqso ugu tagaan dhakhaatiirta qurxinta, si ay uga hortagaan calaamado ama laab-laab aanay jeclaysan oo uu barnaamijku tusay in ay yeelan doonaan.

Dr. Regha Taylor oo ku xeeldheer qurxinta aan qalniinka ahayd, isla markaana ah khabiirka aasaasay rugta caafimaadka iyo qurxinta ee dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in barnaamijyada noocan ahi ay dad tiro badan saamayn ku yeeshaan, maadaama oo ay aad u badan yihiin dadka tijaabinaya si ay u eegaan qaabka uu muuqaalkooda mustaqbalku noqon karo. Laakiin iyada oo ka warramaysa khatarta ka dhalan karta waxa ay sheegtay in maalmihii uu barnaamijkani dunida haystay ay aad u kordheen dadka soo arkaya kadidbna tegeya cisbitaallada is qurxinta si ay muuqaalkooda uga saaraan calamado ay u arkaan in ay mustaqbalka fool xumo ku keeni karaan.

Wargeysku waxa uu sheegay in dadka da’doodu u dhexeyso 18 sano jir illaa 24 sano jir ee dalka Ingiriiska ay boqolkiiba 70 ku fikirayaan in ay isku sameeyaan qalniin is qurxin ah. tiradaas oo sboqolkiiba 97 sii korodhay shantii sano ee u dhexeeyey 2011 kii illaa 2016 kii.

Dr. Regha Taylor waxa ay dadka kula talisay in aanu barnaamijkani culays nafsi ah ku keenin, ama qurux aanay gabowga ku heli doonin sii tusin, iyada oo intaas ku dartay in ay adagtahay in qofku uu malaysto in calaamadaha iyo muuqaalka gabowga uu yeelan doono la sii saadaaliyo. Dr. Regha Taylor waxa ay sheegtay in sideedaba ragga iyo dumarku ay ku kala duwan yihiin gabowga, taas oo ah in calaamadaha gabowga ee raggu aanay inta badan ahaynba kuwo da’ ka turjumaya, balse ay yihiin kuwo ku yimaadda dhaawaca ay fallaadhaha qorraxdu gaadhsiiyaan maqaarka.

Dr. Regha Taylor waxa ay sheegtay in dunida maanta ay ku soo badanayso danaynta gaarka ah ee ay dadku siinayaan muuqaalkooda, barnaamijka cusub ee FaceApp ka iyo barnamaijka Istegramka ee sawirrada lagu wadaagaana ay arrintaas sii dhiirrigelinayaan, sidaa awgeed ay waajib tahay in la ogaado in barnaamijyadaasi ay qofka ku keeni karaan dhaawac nafsiya ama ku dhiirrigelinayaan in uu sameeyo qalniinku is qurxin ah oo laga yaabo in aanu u baahnayn ama kala kulmo dhibaato ka badan inta uu ka cararayey.

Dr. Regha Taylor waxa ay ku talisay in shirkadaha iyo shakhsiyaadka barnaamijyada noocan ah samaynaya ee dhaawacaya caafimaadka qofka lagu qasbo in haddii aanay joojinayn ay soo raaciyaan qoraallo digniin ah oo ay ku sheegayaan in sawirka soo baxayaa uu yahay malo-awaal aan marnaba looga tusaale qaadan karin muuqaalka runta ah ee uu qofku yeelan doono marka uu da’daas gaadho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here