Ciidamada Iiraan Oo Qafaashay Markab Shidaal Keeni Lahaa Dekedda Berbera Iyo Eedaha Ay U Jeedisay

0
969

Hargeysa(Geeska)-Ciidamada Iiraan ee biyaha dalkaas ilaaliya ayaa qabsaday markab ah kuwa shidaalka qaada oo dalka Cumaan ka soo qaadi lahaa shidaal uu keeni lahaa dekedda Berbera ee Somaliland.

Markabkan yar ayay Iiraan ku eedaysay inuu tahriibinayay shidaal sharci darro ah isagoo marayay xeebaha Hormuz ee dalka Iiraan, laakiin shirkadda iska leh markabkan ayaa sheegtay in Iiraan markii ay markabka qabatay ee ay baadhay laga waayay wixii lagu eedeeyay.

Markabkan ayaa marka ay ciidamada Iiraan weerareen wuxuu ku sii socday Cumaan oo uu ka soo qaadi lahaa shidaal uu keeni dekedda Berbera ee Somaliland sida uu sheegay Rishi Kumar oo ka tirsan shirkadda KRB Petrochemicals ee markabka iska leh, waxaanu beeniyay eedaha ay u jeedisay xukuumadda Tehran ee ahaa in markabku uu tahriibinayay shidaal dhan 1 milyan oo litir oo uu siin lahaa maraakiibta shisheeye ee badaha jooga.

Ciidamada Iiraan ayay shirkadda Markabka iska lihi sheegtay inay ku weerareen laba doonyood oo yaryar iyagoo ciidamo Iiraaniyiin ahi gudaha u galay markabka islamarkaana damiyay mishiinka, waxaanay shirkadu sheegtay in ciidamadu madaxa qori kaga qabteen kabtanka markabka, iyagoo markii ay mishiinka markabka bakhtiiyeen u jiiday biyaha Iiraan.

12 shaqaale ah oo markabka la socday ayay Iiraan qabatay, sagaal ka mid ah oo u dhashay dalka Hindiya ayaa la sii daayay, balse saddexda kale oo uu ku jiro kabtankii markabku ayaa weli xabsiga ku jira.

Markabka waxa iska leh shirkad fadhigeedu yahay Ciraaq, laakiin xafiiska ayaa uga furan dalka UAE.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here