Dhakhaatiir Ilkaha Ah Oo Iyaga Oo Qalabkooda Sita Dhex Wareegaya Waddooyinka Si Ay Dadka U Daweeyaan

0
821

vfQaahira (Geeska)- Masuuliyiinta dalka Masar ayaa bilaabay ol’ole ay ku qab-qabanayaan koox dhakhaatiir u dhalatay dalka China ah oo dadka ugu adeega shaaracyada degmada dhexdooda. Dhakhaatiirtan oo lagu arkay degmada Suweys ee Bariga magaaladA qaahira ayaa la sheegay in ay yihiin dhakhaatiir ilkaha ah, oo iyaga oo qalabkooda sita dhex wareegaya suuqyada iyo waddooyinka, ciddii u baahan ee la heshiisana inta ay jidka dhinac uga yara duwaan shaaraca dhexdiisa ama guriga ciddaas ugu qabanaya adeegga caafimaad ee ilkaha bukaankaasi u baahan yihiin.

Dr. Taamir Al-Buuhi oo ah isu-duwaha ururka dhakhaatiirta ee degmada Suweys, ayaa ka digay in falka ay ku kacayaan dhakhaatiirtan Shiinaha ahi uu noqon karo dhagar iyo dembi, isaga oo sheegay in ay suurtogal tahay in ay faafiyaan cudur-sidayaal sida HIV/AIDS, iyo caabuqa beerka ee Jooniska noocisa C loo yaqaanno, waxa aanu ka dalbaday masuuliyiinta dowladdu in ay dhakhaatiirtaas wax ka qabtaan.