Cajaayibta Iyo Duruusta Lagu Cibro Qaadanayo Ee Ku Duugan Makhluuqa Alla (2)

0
919

Hargeysa (Geeska)- Waa qormadii Labaad ee taxane gaaban oo uu Geeska Afrika akhristayaashiisa afka Soomaaliga ugu soo beddelay qaybo ka mid ah buugga Cajaayibta Makhluuqa oo uu qoray Mansuur Bin Muxammed Ash-Shariidah.

7. baqbaqaaq:  Haddii aad doonayso in aad tababarto shimbirka Baqbaqaaqa, marka koowaad waxa aad soo qaadataa muraayad, kadibna hor dhig si uu sawirkiisa isu arko. Marka uu eego sawirkiisa muraayadda uga muuqanaya adiga inta aad istaagto meel uu sawirkaaga qudhiisuna muraayadda ka dhex muuqanayo waxa aad tidhaahdaa erey, durbadiiba waa uu kaa daba odhanaya.

8. Goodirka: Xayawaanka Goodirku marka uu gaajoodo ee gaar ahaan xilligga xagaaga waxa uu cunaa abeesada, kadib waxa uu xuumadoodaa oo uu gudaha jidhka aad uga ololaa, waxa uu u baahdaa biyo, laakiin haddana marka uu biyahaas raadiyo ee uu helo ayaa inta uu dul istaago uu ka joogsadaa cabbitaankooda. Biyahaas ayaa uu ursadaa oo uu hadba gees ka istaagaa isaga oo ka dhowraya in uu afka saaro. Sababtuna waxa weeye cabsi uu ka qabo in uu biyaha cabbo, waxa uu og yahay in biyahu ay sii kicinayaan oo ay sii badinayaan suntii jidhkiisa ku sii jirtay ee abeesada, kadibna uu dhimanayo. Muddo ayaa uu Goodirku sidaas biyaha iskaga ilaaliyaa, illaa uu dareem in suntii ay degtay, markaas kadib ayaanu dib u bilaabaa biyo cabbista.