Akhri, Oo Ha Is Dilin…

0
1110

Hargeysa (Geeska)- Waxa la yidhi beri ayaa Nin oday ahaa uu fadhiistay geed wayn oo damal ah hadhkii. Geedkani waxa  uu ku yaallay gebi dushii hoostiisana waxaa marayay webi aad u biyo badan. Odaygii waxa uu si lama filaan ah u arkay Nin damacsan in uu ka boodo gebiga oo uu isku tuuro webiga. Ninkani ma uu arkayn Odayga laakiin odaygu markiiba waa uu fahmay in uu ninkani rabo in uu is dilo. Odaygii inta uu booday ayaa uu dhawaaqay, “Waar Ninka waalanoow.. Ninka waalanoow” Ninkii rabay in uu is dilo oo aad u cadhaysan ayaa istaagay cidhifka gebiga, markii uu dib soo jalleecayna waxa uu arkay oday da’ ah oo xaggiisa u soo luudaya, odaygani aamusnaan uma soo socdo ee waxa uu tirinayaa intii cay iyo ceebayn afkiisa soo mari kartay oo dhan, waxaa ka mid ahaa in uu ku canaananayey sida uu uga quustay naxariista Rabbi.

Odaygii markii uu ninkii oo cadhaysan oo sugaya soo gaadhay ayaa uu weydiiyey, “Waar maxaa kugu kalifaya in aad is disho?”

Ninkii ayaa ugu jawaabay, “Waxaa igu dhacday mushkilad qoys oo in xal loo helo iskaa daa’ oo xitaa ay adag tahayba in la fahmaa”

– Odaygii ayaa yidhi, “Oo miyaa ay jirtaaba mushkilad bilaa Xal ahi?”

– Kadib Ninkii ayaa inta uu dib u soo noqday odaygii uga waramay mushkilada heshay ee ku kallifaysay in uu isdilo, waxa aanu yidhi, “Waxa aan guursaday gabadh carmal ah, oo leh inan. Markii ay inantii qaangaadhay, ayaa uu aabahay arkay, kadib waa uu caashaqay sidii ayaanu ku guursaday. Waxa aanu Aabahay noqonnay xidid oo soddog ayaan u noqonayaa maadaama oo inantan aan hooyadeed qabo aan waalid ugu beeganahay soona krosaday.

Kadib gabadhaydii ayaa ii dhashay wiil. Dabcan inankaygan awoowgii waa aabahay, laakiin haddana Inankaygani waxa uu la walaal noqonayaa Inanta Aabahay guursaday ee ay dhashay gabadhayda oo inankaygana u hooyo ah, marka aad xaggaas ka eegto Inankaygii waxa uu Seeddi u noqday Aabahay oo ah isagana Awoowgii ah. haddana dhanka kale marka aad eegto, Inantan uu aabahay guursaday waa Aayaday sidaa awgeed inankayga oo iyada la walaal noqonayana waxa uu ii noqonayaa waalid, oo waxa uu la walaal yahay aayaday aabo.

Arrintan marka horeba yaabka lahayd waxa ay sii murugtay markii inantii uu aabahay guursaday ay u dhashay Wiil.

Yaabku waxa uu yahay! In wiilkaas uu aabahay dhalay uu mar yahay walaalkay oo Aabahay ayaa dhalay, marna waxa aan u ahay Waalid oo gabadhayda ayaa u Ayeeyo ah, illeen inanteeda ayaa dhashay ee. Marna inankayga waa walaal, oo aniguna waalid aabo oo kale ah ayaan ugu beeganahay.

Dhanka kalana mar haddii ay gabadhaydii waalid u noqotay walaalkaygii aabahay uu dhalay, gabadhaydii anigana dee waxa ay iigu beegmaysaa waalidnimo oo walaalkay ayaa ay ayeeyo u tahay. Waxa aanan noqday nin qaba Walaalkii ayeeyadii. Dhan kale haddii aad ka eegto marka ay gabadhaydii Ayeeyo u noqotay Walaalkay anna waxa aan u noqonayaa waalid.

Markii aan waxaas oo dhan eegay, waxa ii soo baxday in aan anigu isu ahay Awoow. Waayo…”

Ninkii markii uu hadalkii halkaas marinayo ayaa intii aanu sii dhamaystirin waxaa ka soo dhex galay odaygii ka joojiyey is dilidda oo waxa uu yidhi, “Bes… Bes… Bes” Kadib inta uu gacanta qabtay ayaa uu ku yidhi, “Inna keeni” Waxa uu ula dhaqaaqay dhankii uu ka xiga webigu, Ninkii oo yaaban ayaa odaygii ku yidhi, “Xaggee aad innagu waddaa?” Odaygii waxa uu yidhi, “Waar Alle kuma barakeeyo ee goormaa sidan loo jabay… kuma sii noolaan karayno dunida halkaas maraysa ee inna mari labadeenuba webiga ayaa aynu isku tuuraynaa ee”