Laba Xildhibaan Oo Isku Beel Ah, Xisbina Ka Soo Wada Baxay Oo Ku Tartamaya Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad Ee Golaha Wakiillada

0
704

Hargeysa (Geeska) – Loolanka loogu jiro Saddexda xubnood ee noqonaya shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maraya Meel xaasaasi ah, waxaana soo baxaya xubno cusub oo doonaya inay xilkaasi qabtaan.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada, ayaa waxa hore ay Xisbiyada WADDANI iyo UCID u shaaciyeen inay u soo xuleen Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo Xisbiga UCID uga soo baxay Gobolka Sanaag, kaasi oo Isbahaysiga Mucaaradku isku raaceen inuu ugu tartamo xilkaasi.

Laakiin, Jimcihhii Shalay 9 Xildhibaan oo Hargeysa ku shiray ayaa soo bandhigay Xildhibaan ay doonayaan inuu u tartamo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada.

Sagaal xubnood oo ka tirsan UCID iyo Kulmiye, balse isku beel ah ayaa ku heshiiyay in Musharraxa jagada guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Wakiilada ay ku dhisaan Xildhibaan Siciid Mire Faarax ( Giire).

Xildhibaanadan ayaa inkasta oo gobollo kala duwan iyo xisbiyo kala duwan ay ka soo baxeen haddana waa isku Beel.

Jagada Guddoomiye ku-xigeenka labaad ayaa waxa hore u shaaciyey inuu u tartamayo Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje oo Xisbiga Kulmiye uga soo baxay Gobolka Maroodi-jeex.

Arrinta xiisaha leh ee meesha ku jirta ayaa ah, in tartankani si gaar ah uga dhexeeyo Giire iyo Cumar Jaamac Faarax oo isku beel ah, sidoo kalena ka soo wada baxay Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID.

 

Geeska.net/Hargeisa Office