Dhagar Qabihii Muslimiinta Ku Laayey Masaajidda New Zealand Oo Ku Dooday In Uu Beri Yahay

0
842

Bern (Geeska)- Gacan ku dhiiglihii 51 ka qof ee muslimiinta ah bishii March ee sannadkan ku dilay weerarkii uu ku qaaday labada masaajid ee ku yaallay magaalada Christchurch ee dalka Switzerland ayaa maxkamadda kaga hor dooday in uu beri ka yahay eedaha argagaxisada iyo dilka ah ee loo soo jeediyey.  Ninkan oo lagu magacaabo Brenton Tarrant ayaa hadalladan ka sheegay Muuqaal (Fiidyow) uu soo mariyey qareennadiisa.

Garsooraha maxkamadda saree e dalka Switzerland Cameron Mandira ayaa sheegay in fadhiyada rasmiga ah ee maxkamadaynta gacan ku dhiiglahani ay bilaabmi doonto horraanta bisha May ee sannadka foodda innagu soo haya, waqtigaas oo hadda laga joogo sannad ku dhowaad. Waxa aanay maxkamaddu amartay in gacan ku dhiiglaha xabsiga lagu sii hayo illaa 16 ka bisha Ogos oo mar kale dib loo eegi doono kiiskiisa.

Eedasanaha ayaa la arkayey isaga oo dhoolla caddaynaya markii jimcihii 14 June uu qareenka u doodayaa maxkamadda horteeda ka naqdinayey eedaha argagaxisada iyo dilka ah ee lagu soo oogay.

Hoolka maxkamadda ee ay dacwaddu ka dhacaysay waxaa soo buux dhaafiyey dadyow ay ka mid yihiin 80 oo ah dadkii ka badbaaday xasuuqii uu ninkani geystay iyo qoysaskoodi, waxa kale oo iyaguna goobjoog ahaa eheladii iyo qoysaskii 51 kii ruux ee weerarka ku dhintay, halka dad kale oo tiradoodu 60 gaadhayso oo hoolku ka buuxsamayna ay qol kale oo maxkamadda ka mid ah ku daawanayeen muraayad weyn oo ay kala soconayaan waxa ka socda qolka maxkamadaynta.

Maxkamadda sare ee dalka Switzerland ayaa magacowday afar lataliye iyo gacanyareyaal kale oo dadkii eheladooda uu ninkani dilay iyo xubnaha qoysaskooda ka caawiya fahamka tallaabooyinak garsoore ee loo marayo maxkamadaynta ninkan, iyo hadba tallaabooyinka xiga ee uu garsoorku qaadayo.

Brenton Tarrant oo ah 28 sano jir u dhashay dalka Ustareeliya, ayaa intii uu socday fadhiga maxkamadayntiisu laga arkayey dhoolla caddayn iyo in uu doonayo in uu muujiyo xasilooni iyo in uu ku kalsoon yahay in aanu dembiile ahayn.

Nidaam ahaan maxkamaduhu ma’ ogolaadaan in warbaahintu ay eedaysaneyaasha ka qaadato sawirro uu muuqaalkoodu si cad u muuqanayo, laakiin garsooraha dacwadda gacan ku dhiigle Brenton Tarrant hayaa waxa uu ogolaaday in sawirro uu wejigiisu muuqdo laga qaadan karo. Mar arrintaas wax laga weydiiyeyna waxa uu sheegay in dacwad soo oogayaashu ay u sheegeen in arrintaasi ay sax tahay, maadaama oo aanay jirin sabab ninkan wejigiisa loo qariyo, maadaama oo uu isaguba si caadi ah u muujiyey xilligii uu dembiga galayey.

Eedaysanaha oo adeegsanayey qori kuwa darandoorriga u dhaca ah, ayaa maalin jimce ah weerar ku qaaday laba masaajid oo ku yaalla magaalada Cristchurch isaga oo si aanu u kala aabayeelin u dilayey cid kasta oo ka soo hor baxda, dadka dhaawaca ahna ku noqnoqonayey si uu u dhaawac dilo. Brenton Tarrant intii uu fal dambiyeedkan ku gudo jiray waxa uu iska duubayey muuqaallo uu toos ugu baahinayey shabakadda xidhiidhka bulshada ee Facebook, waxaana la daawaday isaga oo dadka dilaya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here