Madaxweyne Biixi Oo Boqor Buur Madow Ku Eedeeyey Inuu Hurinayo Colaadda Ceel-afweyn, Kana Gaabsaday In Uu Ka Hadlo Da’da 70 Jirka Ah Ee Uu Madaxweynaha Ku Yahay

0
194

Hargeysa (Geeska)- Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Boqor Buur-madow oo ka tirsan madaxda dhaqanka ee Somaliland ku eedeeyey in uu qayb ka yahay hurinta colaadda daba-dheeraatay ee ka jirta gobalka Sanaag, gaar ahaan degmada Ceel-Afweyn.

Madaxwayne Biixi oo warbaahintu su’aalo weydiisay mar uu sabtidii shalay furayey bilowga imtixaanaaka shahaadiga ah ee Somaliland, waxa uu sheegay in ay jiraan tuhunno badan oo boqorka la xidhiidhinaya ku lug lahaanshiyaha colaaddaas waxa aanu ugu baaqay in uu deegaankiisa nabad ka dhaliyo, gacan ku dhiiglahana soo qabto. Isaga oo tilmaamay in boqorka iyo dad uu sheegay in ay taageersan yihiin, laga rabo nabadda gobalka Sanaag, gaar ahaan degmada Ceel Afweyn. “Xan badan baa jirta, Suldaan iyo boqor ma’aha kuwii nabadgelyadarro lagu xanto, Kii la yidhaahdo isagaa fitnada wada ma’aha. Dadka uu Suldaanka u yahay (Boqor Buur-Madow) laba sano iyo badh dagaal sokeeye ayay ku jiraan. Isna tilifoon buu ku wadaa” ayaa uu yidhi madaxweyne Biixi oo intaas ku sii daray in laga rabo boqorka in uu deegaankiisa nabad ka dhaliyo gacan ku dhiiglahana soo qabto.

Madaxwayne Biixi, waxa uu soo dhoweeyey shirka la sheegay in beelaha Burco ay qabsanayaan, isaga oo tilmaamay in laba beelood iyo ka badaniba ay shiri karaan, laakiin muhiimaddu tahay in aanu shirku noqon mid ay ka soo baxaan arrimo liddi ku ah qarannimada Somaliland.

Dhinaca kalana Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka baaqsaday in uu ka jawaabo su’aalo markii ugu horreysay laga weydiiyey in da’diisa toddobaatanaadka ahi ay tahay tii ku habboonayd qabashada hoggaanka qaranka iyo in masuuliyiinta ugu sarraysa dawladda somaliland ay u badan yihiin beesha uu isagu ka soo jeedo.

Labadaas arrimood oo uu si aad u kulul ugu dhaliilay madaxweynihii labaad ee Somaliland mudane Maxamed Xaaji Ibraahiim Cigaal oo uu mar mucaarad ku ahaa.

Laakiin madaxweyne Biixi jawaabta su’aalahan beddelkooda waxa uu ka hadlay sababta uu Cigaal waqtigaas u dhaliilay oo uu sheegay in ay ahayd weerar uu ku qaadayey guri ay degenaayeen salaadiin ka soo horjeedday xukuumaddiisa. Sidaa awgeed aan isaga loogu soo tusaale qaadan Karin maadaama oo aanu imika cid weerar ku ahayn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.