Dhacdooyinka Xiisaha Leh Ee Sababta U Noqday Fikirkii Ay Ku Samaysmeen ‘Chips’ Ka Iyo Iskiriinku

0
1018

Hargeysa (Geeska)- Waxaa jira qalabyo kala duwan iyo afkaar aadame curiyey oo nolol maalmeedkeenna si joogto ah aynu ugu baahanno innaga oo iska illowsan in ay yihiin hal-abuurro qayrkeen maskaxdooda ka soo tuujiyeen. Qormadan oo uu Geeska Afrika Soomaali u rogay waxa uu ku eegayaa qaar ka mid ah hal-abuurradaas oo nolosha aadamaha kaalin aad u muhiim ah ka galay.

Chips

In kasta oo ay dhakhaatiirtu marar badan ka digaan in Jibista qasacadaysani aanay caafimaadka u fiicnayn, haddana waxaa ay jibistani illaa maanta ka mid tahay cuntooyin yaryar ee dunida loogu jecel yahay uguna iibka badan. arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay qaabkii uu ku yimi fikirkii lagu curiyey jibiska.

Sannadkii 1853-kii ayaa cunto kariye lagu magacaabi jiray Joorj Kuruum waxa uu damcay in uu ka cadhaysiiyo mid ka mid ah macaamiishiisa oo wax macno darro ahaa ku dhibay, cunto-kariyahan oo waqtigiisaa caan ahaa, ayaa isaga oo ka cadhaysan macmiilkan oo dhowr jeer ku soo celceliyey jibis uu u sameeyey, inta uu kijadiisa ku noqday uu baradhadii u jarjaray si aad u saafan (Khafiif ah) kadib inta uu milix badan ku daray uu shiilay.

Haddii cunto kariyaha ay arrintani ka ahayd cadho iyo in uu ciqaabo macmiilkan waxa ku soo baxay arrin ka yaabisay. Macmiilkii oo aad uga helay ayaa baradhadii si xiise leh u cunay, waxa aanay taasi cunto-kariyihii ku dhalisay in uu dad kale marar kala duwan u sameeyo, illaa aakhirkii ay ka mid noqotay cuntooyinka ay macaamiishiisu ugu jeceshay. Ugu dambayntiina ay gaadhay heer la sameeyo shirkado ganacsi oo waxsoosaarkoodu yahay baradhada shiilan.

Iskiriinnada (Jallaato)

Qaabka hal-abuurkani ku bilowday waxa uu ahaa mid aad u yaab badan. Maalin maalmaha ka mid ah oo ahayd sannadkii 1924-kii ayaa ilme yar oo 11 sano jiray waxa uu koob sharaab ah ku dhex riday ul yar oo uu ku ciyaarayey, kadib sharaabkii oo ushii ku jirto ayaa uu kaga tegey barandaha dabaqa saree e gurigooda, waxa aanu koobku halkaas yaallay habeennimadii oo qabow baraf badani da’ay ahaa.

Faraank Eberson waa wiilkan yare e ayaa subaxnimadii markii uu soo toosay waxa uu soo qaaday sharaabkii oo inta uu qabowgii baraf noqday ushii yaraydna gacan yar oo ku dheggen sida hadda iskiriinku yahay noqotay. Waxa uu markiiba dareemay in halkaas fikir aad u fiicani ku jiro, sidaa awgeed waxa uu bilaabay in uu sharaab koob ku shubo, kadibna ul yar dhex dhigo, kadibna inta uu qaboojiyo marka uu barafeeyo uu saaxiibbadii u qaybiyo. Aakhirkii arrintii waa ay ballaadhatay, waxa aanay dadkii bilaabeen in ay kaga deydaan oo markii hore carruurta uun la siiyo.