Mashruuc Lagu Daryeelayo Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Lagu Daah-Furay Baligubadle

0
962

Hargeysa (Geeska)-Mushruuc lagu daryeelayo Hooyada uurka leh iyo Dhalanka ee Deegaanada kala duwan ee Gobolka Hawd, oo hore loo shaaciyey ayaa hadda si rasmiya loo bilaabay.

Mashruucan oo muddo sannado ah socon doona ayaa waxa maalgalisay Hay’adda GIZ, waxaan fulinaysa Hay’adda World Vision, Munaasibadii lagu daah-furay Mushraacan, oo si weyn loo agaasimay, ayaa waxa shalay lagu qabtay xarunta Gobolka Hawd ee Baligubadle, waxaana ka soo qayb galay Wasiiro, Agaasimayaal, Madax ka socotay Hay’addaha Caalamiga ah iyo marti sharaf aad u tiro badan, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Jaamac Diiriye, oo isagu munaasibadaas ka hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyey muhiimada uu mashruucani leeyahay, waxaanu tilmaamay in Hooyooyin iyo Dhalaan aad u fara badani ay ka faa’iidaysan doonaan, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqay Hay’addaha GIZ iyo World Vision, oo uu uga mahadnaqay Mashruucan, oo uu tilmaamay inuu faa’iido aad u balaadhan uu leeyahay, waxaanu xusay Agaasimuhu in Mashruucan Daryeelka Hooyada iyo Dhalaanka si toos ah looga bilaabi doono Baligubadle, Balicabane, Salaxlay, Gunburaha, Sayla, Gumar iyo sidoo kale Deegaanada kale ee Gobolkan hoos yimaada, waxaanu Agaasimuhu kula taliyey Hooyooyinka iyo guud ahaan Bulshada ku dhaqan Gobolka Hawd inay ka faa’iidaystaan Musharacan muddada uu socdo, waxaanu xusay in Wasaarad Caafimaad ahaan xil dheer ah ay iska saareen Mashruucan, si loo yareeyo Hooyooyinka iyo Dhalanka daryeel la’aanta u dhimanaya.

Wasiirka Caafimaadka Saleeban Ciise Axmed (Xagla-toosiye), oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa isna dhankiisa wuxuu ka xog waramay muhiimada uu mashruucani leeyahay, waxaanu sheegay in Mashruucani yahay mid dan iyo faa’iido u ah cid kasta, gaar ahaan Hooyooyinka iyo Dhalanka, waxaanu ugu baaqay deegaanada kala duwan ee Gobolka Hawd ee Mashruucan laga hirgelinayo in laga faa’iidaysto, oo aan la dhayalsan, waxaanu xusay in Wasaarad ahaan xil dheeraad ah iska saareen Mashruucan.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maxamed Aadan Ibraahin (Qabo), oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in Mashruucan lagu daryeelayo Hooyada iyo Dhalaanku yahay mashruuc aad iyo aad muhiim u ah, qiimo balaadhan Somaliland ugu fadhiya, waxaanu guud ahaan Hooyooyinka iyo Dhalaanka Gobolka Hawd ku dhiirigeliyey inay aad uga faa’iidaystan oo aanay dayicin, waxaanu u mahadnaqay cid kasta oo Mashruucan hirgelintiisa ka qayb qaadatay.

Wasiir ku xigeenkii hore ee Warfaafinta Marwo Shugri Xariir oo iyana munaasibadaas ka hadashay, ayaa ka warbixisay qiimaha ay hooyadu ugu fadhido bulshada, waxayna xustay inay waajib tahay in mar walba Hooyooyinka iyo dhalankaba caafimaadkooda la ogaado, oo laga war hayo, waxayna tilmaantay in Mashruucan lagu daryeelayo Hooyooyinka iyo Dhalanka Deegaanada kala duwan ee Gobolka Hawd uu yahay Mashruuc qiimo balaadhan u leh Deegaanada, waxayna ku talisay in sida uu yahay looga faa’iidaysto.