Degmo Ay Ku Nool Yihiin Shan Qof Oo Keliyi

0
799

Sydney (Geeska)- Koladi waa magaalo ku taalla meel 5 boqol oo Mayl dhinaca Koonfureed ka xigta magaalada Queensland ee koonfurta dalka Australia, in kasta oo ay Shan ruux oo keliyi ku nool yihiin, haddana magaaladani waxa ay leedahay xarun tareennadu ka baxaan, kaalin shidaal, iyo hudheel kuwa dabaqadda sare kaalinta labaad kaga jira ah. Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xiganayo wargeyska Daily Mail ee ka soo baaxa dalka Ingiriisku waxa uu sheegayaa in magaaladan ay deggen yihiin afar ruux oo kala ah, haweenay lagu magacaabo Lureal Smore smith oo 64 jir ah, inan ay dhashay oo Rocksan lagu magacaabo, inanta saygeeda oo lagu magacaabo Jafin iyo inan ay dhaleen oo iyadana Moler la yidhaahdo.

Sannadkii 1914kii markii magaaladan loo samaynayey xadiidka tareenku maro waxaa deggenaa 270 ruux, laakiin dalka iyo magaalooyinka kale ee  waaweyn oo ay aad uga go’an tahay awgeed ayaa dadkaasi uga wada haajireen marka laga reebo qoyskan 5 ruux ka kooban. Sidoo kale waxaa la xidhay dukaankii keliya ee dadka magaaladu hilibka ka iibsan jireen, xafiiska boosta, meherad laga dukaamaysan jiray iyo weliba saldhiggii booliiska. Smith oo ka hadashay qoyskeedan ku keliyeystay magaalada ayaa tidhi, “Waan ognahay in ay tahay meel miyir ah, laakiin waxa aanu jecel nahay noloshaa dabiiciga ah, kharashka noloshayadana waxa aanu ka dabbarnaa adeegyada aanu u qabanno shaqaalaha macdanaha baadha iyo darawaliinta gaadiidka waaweyn ee xamuulka ah ee soo mara magaalada, aad iyo aadna waanu uga raalli nahay noloshayada”