Buugg Qaddiimi Ah Oo Saan Dad Jaldi Looga Dhigay Iyo Qisada Jaldi Kan La Mid Ah Oo Yaalla Ingiriiska

0
617

Picture8Washington (Geeska)- Cilmi-baadhis cusub oo ay sameeyeen xeel-dheerayaal ka tirsan jaamacadda caalamiga ah ee Harvard ayaa shaaca ka qaadday in nuskhadda asalka ah ee buugga lagu magacaabo Des destinées de l’ame (Qaddarrada Ruuxda) oo yaalla maktabadda jaamacadda Harvard uu jeldigiisa maaska ahi yahay saan laga soo jeexay bani’aadam. Cilmi-baadhistan waxaa lagu sheegay in qoraagii caanka ahaa ee buuggan qoray Arsen Houssaye oo u dhashay dalka Faransiiska dhintayna dabayaaqadii qarnigii 19naad, uu buuggan oo qoraal ah u hibeeyey saaxiibkii oo ahaa dhakhtar. Warkan oo uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Huffington Post oo ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa intaas ku daray in dhakhtarka uu qoraagu u hibeeyey buuggiisan oo lagu magacaabi jiray Dr Ludovic Bouland uu buuggan daabacay kadibna jaldi uga dhigay saan bani’aadam oo weliba ay khubaradu raad-raacday taariikhda buuggani ay sheegeen in uu ahaa maqaarka gabadh maskax ahaan xanuunsanaysay. Arrinta dareenka dhalisay ee sababta u ah in buuggan la baadho ayaa ay khubaradu ku sheegeen in ay tahay ereyo uu Dhakhtarka buugga loo hibeeyey ku daray oo ahaa, “Buuggan ka waramaya ruuxda Aadamuhu waxa uu mudan yahay in jaldi looga dhigo saan bani’ Aadam”

Xeel-dheerayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay baadhitaannadooda sees uga dhigeen shaybaadho ay ku sameeyeen Dheecaanka hiddaha ee DNA-ga loo yaqaanno, waxa aanay natiijadooda ku soo gabagabeeyeen in jaldiga buuggani uu boqolkiiba 99 u dhow yahay in uu yahay saan dad, halka midhka boqolka ka dhimanna looga tegey shakiga noqon kara in jaldiga buuggani yahay saan xayawaan u maqaar eeg bani’aadamka.

In saan dad jaldi looga dhigo buugaagtu ma’aha arrin ku cusub dunida, falkan oo afka qalaad lagu yidhaahdo Anthropodermic Bibliopegy lana rumaysan yahay in uu jiray muddo aad u dheer, waxa uu aad u xiise badnaa  qarnigii 19aad, raadadka tirada yar ee illaa hadda lahayana waxaa ka mid ah, fayl-dacwadeed uu leeyahay xafiiska diiwaannada ee magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska oo laga sameeyey saanta ninkii ugu horreeyey ee lagu daldalay xabsiga Bristol. Ninkan oo lagu magacaabi jiray John Horwood, waxa uu ahaa 18 jir lagu fuliyey xukun ciqaabeed dil dal-dalaada ahaa oo daba-socday dilkii uu u geystay haweenay lagu magacaabi jiray Eliza Balsum oo uu madaxa dhagax kaga bashaaqiyey kadib markii ay la qaadi weyday jacayl daran oo uu u qabay. Markii ninkan dilka lagu fuliyey ayaa la go’aamiyey in maydkiisa laga soo jaro qayb maqaarkiisa ka mid ah si jaldi looga dhigo warqadaha qoraalka ah ee laga sameeyey dacwaddiisa, illaa haddana qoraalladaas oo maqaarkii ku xidhan ayaa yaalla goobtan.