Guddigga Guud Ee SAHAN-BARWAAQO Oo Baaq Kasoo Saaray Xaaladda Abaareed Ee Ka Taaggan Degmooyinka Sallaxley Iyo Balli-Mataan

0
625

Guddigga guud ee SAHAN-BARWAAQO,ayaa baaq ay xallay soo saarreen waxay kagaga hadleen xaaladda deegaamadda Sallaxley iyo Balli-mataan oo ay saamaynta Abaartu maalin-ba maalinta ka denbaysay ay kusii balaadhanayso,iyagga oo baaq isku mid ah u diray;Guddidda Heer qaran ee Gurmadka abaaraha,Qurbejoogta reer Somaliland ee wadamadda kala duwan ee caalamka ku sugan iyo Ganacsatadda.

Baaqaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta,ayaa waxa uu u dhignaa sida tan;

 Baaq: 

Hor-dhac;

Guddiga guud ee SAHAN-BARWAAQO,waxay ILAAHAY umadda uga baryaysaa inuu Raxmaadkiisa u shubo,isla-markaasna uu kasoo qaboojiyo kulka abaarta ba’an eek u dhufatay deegaammo badan oo ka tirsan Somaliland,taas keentay inay Xoollo badanni le’daan,dadkiina ay hadda khatar ku jiraan.

Guddigga,waxay uga mahad-naqaysaa Guddigga heer-qarran ee Gurmadka Abaaraha sidda masuuliyada leh ee ay iskaga xil-saareen Taakulaynta Dadka Tabaalaysan ee ay Abaartu saamaysay,waxa kale oo ay u mahad-naqayaan Qurbe-jooga reer Somaliland oo door muuqda ka qaata wax-tarista dadkooda ay dhibaatada Abaartu halleeshay.

·Guddigga SAHAN-BARWAAQO,waxay ka cod-sanaysaa guddiga inay Fiirro gaar ah u yeeshaan abaarta ba’an ee ka jirta Degmooyinka Sallaxley iyo Balli-mataan.

·Guddigga,waxay ugu baaqaysaa Qurbe-joogta Somaliland ee Wadamadda Dibadda inay xil-weyn iska-saaraan sidii markii horeba looga bartay inay soo taakuleeyaan Dadka ay Abaartu saamaysay,iyadda oo uu sidii arrintaas loo xoojin lahaa uu Safar Dalka dibaddiisa ugu baxay Gudoomiye Ku-Xigeenka 2-aad ee Guddigga  SAHAN-BARWAAQO,MD.Axmed Guud-cadde,isaga oo kulammo isba-joog ah oo lagaga wada-halayo wax-ka-qabashadda abaaraha dalka ka jira iyo Dhismaha Wadada CAD,kaga qeyb-gali doona Magaallooyinka ku yaalla Dalalka

UK,SWEDEN,NORWAY Iyo Denmark.

·Guddigga waxa ugu baaqaysaa Ganacsatadda  Dalka inay kaalintooda ka qaataan sidii dadkaas ay abaaruhu haystaan gur-mad deg deg  ah loo gaadhsiin lahaa.

Wa Billaahi Tawfiiq,

Gudigga Guud Ee Sahan-Barwaaqo