Dawo Cusub Oo Laga Rajo Qabo In Ay Caafimaad U Horseeddo Dadka Qaba Cudurka AIDS

0
605

Barcelona (Geeska)- Sannado badan oo dadaal joogto ah loogu jiray in dawo loo helo cudurka aadamaha aqoontooda beeniyey ee dila hab-dhiska difaaca jidhka, HIV/AIDS ayaa ay imika soo muuqata bidhaan muujinaysa in la gaadhay waqtigii laga itaal roonaan lahaa.

Dawo cusub oo xeeldheerayaal u dhashay dalka Isbayn ay sameeyeen, ayaa illaa hadda si buuxda ay caafimaad uga heleen shan ruux oo hore u qabay cudurka AIDS ka, kadib markii ay toddoba bilood joogto u isticmaalayeen.

Cudurkan ayaa dawada ugu fiican ee hadda loo hayaa ay tahay in qofka uu ku dhacaa uu noloshiisa inta ka hadhay qaato dawooyin, u sahlaya in cudurkan uu la noolaado. Sidaa awgeed waxa ay cilmibaadhayaashu ku rajo weyn yihiin in dawadan cusubi ay yeelato waxtar  weyn oo bukaanku kaga maarmayo in uu dawada joogtada ah cuno, isla markaana ka helayo dawo, ku habboon oo cudurka disha.

Saddex iyo Toban ruux oo ka mid ah dadka qaba cudurkan ayaa ku tabarucay in lagu mudo dawadan cusub, muddo hadda laga joogo 7 bilood, laakiin dadkaas ayaa Siddeed ka mid ah lagu arkay in weli Fayraskii cudurka AIDS ku ku jiro jidhkooda, halka Shan ruux uu gebi ahaanba ka tegey, arrintan oo ugu ku noqotay dunida cilmiga, maadaama oo aanay hore u dhicin in la helo dawo tiro intaa le’eg oo dadkii lagu tijaabiyey ah ka kaxaysa cudurkan, waxa aanay abuurtay rajo ah in dawadan oo la sii horumariyaa ay noqon doonto dawadii cudurkan ee muddada dheer la naawilayey.