Wasiir Axmed Shide Oo Noqday Wasiirka Maaliyadda Ee Afrika Ugu Wanaagsan

0
635

Hargeysa (Geeska) – Majaladda African Leadership Magazine ayaa Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide u aqoonsan tahay inay siiso Billadda  Wasiirka Maaliyadda ee Afrika ugu wanaagsan sannadkii 2020.

War-murtiyeed ay Majaladdu Shalay soo saartay waxay ku soo bandhigtay Madax iyo Masuuliyiin kala duwan oo isugu jira  Madaxda Hay’adaha Maaliyadda ee Afrika ee ay u aqoonsantay kuwii ugu wanaagsan sannadkan 2020.

Majaladda ayaa laba Wasiir-Maaliyadeed oo ka soo jeeda Afrika u aqoonsantay kuwii ugu wanaagsan Sannadkan.

Wasiir Axmed Shide ayaa noqday wasiirka keliya ee ka soo jeeda bariga Afrika ee ay majaladdu u aqoonsatay Wasiirka maaliyadda ugu wanaagsan Afrika sannadkan 2020.

Axmed Shide ayaa ka soo jeeda Gobolka Soomaalida ee Itoobiya.