Dawlado Aan Sharciga Caalamiga Ahi Khariiradda Ku Darin, Laakiin Leh Nidaam Xukuumadeed Oo Dhab Ah (1)

0
514

Waxaa adduunyada ka jira nidaamyo aanu sharciga caalamiga ahi u aqoonsanayn dawlado, dawladaha adduunkuna ula macaamilin sida dawladaha kale, sida oo kalana aan khariiradaha rasmiga ah ee caalamiga ah ku jirin. Waa dawlado aanay beesha caalamku tirsan, laakiin leh nidaam xukuumadeed, qolfoof dawladnimo, baasaboorro, lacag iyo xita xidhiidho diblumaasiyadeed oo xaaladaha qaar ay dawlado kala duwan la yeeshaan.

Qoraa lagu magacaabo Guilherme Canever oo u dhashay dalka Baraasiil, ayaa booqday dalalkaas aan aqoonsiga haysan si uu wax uga barto dadkooda, iyo hab nololeedkooda. Sannadihii u dhexeeyey 2009 illaa 2014 kii waxa uu booqday 16 dawladood oo aan aqoonsi caalami ah haysan, waayoaragnimadii uu ka soo helayna waxa uu ku ururiyey buug uu ugu magac daray, ‘Qaramo aan la aqoonsan: U socdaalistii dawladaha aan jirin’ (Uma viagem pelos países que não existem) oo soo baxay bishii July 2020 ka.

Warbixin ay shabakadda wararka ee ‘Emaratal Youm’ ee dalak Isutagga Imaaaraadka Carabtu ka diyaarisay Guilherme Canever iyo socdaalkiisa uu ku tegey dalalkan ayaa lagu yidhi, “In kasta oo isticmaalka ereyga ‘Dawlad’ ay u baahan tahay shuruudo gaar ah, si uu qaanuunka caalamiga ahi u aqoonsado; waxaa ka mid ah in uu deegaan joogto ah leeyahay, in uu gobal keliya ku wada yaallo isla markaana leeyahay xuduudo sugan, in uu si madax bannaan isu maamuli karo, in uu xidhiidho diblumaasiyadeed la leeyahay dalal kale. In kasta oo ay dalalkan badankoodu shuruudahan buuxiyeen, haddana in ay aqoonsi ka helaan qaramada midoobey waxa ay ku xidhan tahay in quwadaha waaweyni ay taageeraan. Dalka aan aqoonsiga haysani in uu taageero ka helo quwadaha waaweyn ee adduunku waxa ay u fududaynaysaa in uu uga faa’iidaysto tusaale ahaan gaadhista shabakadaha dhaqaale ee adduunka.