Kalagacalka Hooyadu Mar Buu Cudur Noqdaa Halis Ku Ah Mustaqbalka Ilmaha (Q.1)

0
489

Isla marka uu ilmuhu dhasho waxaa bilowda xidhiidh maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogaysta oo u dhexeeya isaga iyo hooyadii. Waxa uu marara qaarkood gaadhaa heer ay hooyadu diido in ilmaheedu uu indhaheeda ka fogaado ama waqti yar ka maqnaado, xitaa haddii ay noqonayso saacadaha uu hurdo. Marmarka qaarkood waxaa dhacda in ilmaha ay ka hor istaagto ciyaarta iyo xarakaadka kale ee carruurta lagu yaqaanno dabcanna muhiimka u ah, iyada oo tusaale ahaan ka baqanaysa in uu wax ku noqdo ciyaarta am acid ka mid ah carruurta la ciyaaraysaa ay dhibaatayso.

In uu ardayda dugsiga tamashle u raaco, in uu ku maqnaado mid ka mid ah guryaha qaraabada iyo xubnaha kale ee qoyska iyo in ay dukaanka uga dirto baahiyaha guriga ayaa ku adag, iyada oo aaminsan in ay dhibaato ka ilaalainayso. Haddii ay u suurtagelaysana maba ay jeclaateen in daqiiqad ka mid ah 24 ka saac ee maalinta in uu agteeda ka maqnaado.

Waxaa jira dacayl naf gooyo ah

Marwa Raajix oo ku xeeldheer barbaarinta ubadka, iyo xidhiidhka iyo horumarinta shakhsiga iyo daweynta nafsiga ah ayaa sheegtay in ay jiraan laba nooc oo jacaylka hooyada iyo ilmaheeda ah; waa jacaylka ama ku xidhnaanta dabiicia ah, kaas oo lagu magacaabo ‘Ku xidhnaanta aaminka ah. Qaybta labaadna waa ku xidhnaan cudur ah.

Ku xidhnaanta kalgacal ee cudurka ah ayaa iyaduna u sii qaybsanta laba qaybood oo kala ah; walwal ama iska fogeyn.

Ku xidhnaanta walwalka ah

Waa hooyada oo ilmaheeda in ay ka durugto diidda cabsi ay ka qabto in ka fogaanshiyihiisu dhib u soo jiido awgeed. Waxa ay diiddaa in uu mar keliya indhaheeda ka durko, waxaana warwar joogto ah ku haya in mustaqbalka uu waqtigu kala durkiyo.

Ku xidhnaanta iska fogeynta ah

Marmarka qaarkood ayaa kalgacalka ay hooyadu ilmaheeda u haysaa uu gaadhaa heer ay ka cabsato in uu caqabad ku noqdo nolosheeda, taasina ay ku dhiirrigelisaa in ay iska fogeyso. Waa hooyo jacaylka xad dhaafka ah ee ay ilmaha u qabto dareensan, sida oo kalana leh higsi iyo qorshe ay doonayso in ay meeldheer ku gaadho, sidaas awgeed waxa ay mar kasta ka cabsi qabtaa in agjoogga iyo ku soo dhowaanshiyaha ilmaheedu noqdo goldaloolo ay cadowgeedu ka faa’iidaystaan, isla markaana ka dhigtaan taago ay mar kasta hor dhigaan horumarkeeda. Sidaas awgeed waxaa ku beerma dareen ah in ay si xagjir ah uga dheeraato, kana taxaddarto in cidi fahamto kalgacalka ay u qabto iyo xidhnaanta adag ee qalbigeeda. Waa jacaylkii oo haddana u muuqanaya gacan ku hayn iyo ku amar ku taaglayn ay doonayso in ay ku qariso jacaylka.

Marwa Raajix waxa ay sheegtay in la badan nooc ee jacaylba ay yihiin xanuun dhibaato ku keena ilmaha mustaqbalkiisa. Tusaale ahaan jacaylka ah in hooyadu ay ilmaheeda u warwarto, waxa uu ilmaha ka dhigtaa dadka ay xaddidanyihiin xirfadahooda nololeed ama dadka jileeca lagu tilmaamto. Waxa uu noqdaa qof aan aan kalsooni naftiisa ku qabin, sida oo kalana aan aaminnimo dareemo. Waxa kale oo carruurtan lagu yaqaannaa in aanay qaddarin ama aqoonsan naftooda iyo kartida ku jirta.

Waxa uu noqdaa qof aan lahayn dareen xorriyadeed, isla markaana aan ogaan in ay masuuliyadi saarantahay ama uu mudan yahay in uu hawl qabto iskii isaga oo aan cid kale gacan ka helayn. Waxa ay aaminsan yihiin in adduunyada ku xeerani ay cid kale gacanta ugu jirto isla markaana xaddidantahay. Xaaladahan iyo xaalado kale oo nafsiya ayaa ay Marwa Raajix sheegtay in kagacalka hooyada ee noocan ahi ilmaha ku abuuro. Arrinta kale ee khatarta ahi waa in jacaylka noocan ahi uu ilmahana ku abuuro kalgacaly xad dhaaf ah iyo ku xidhnaan aad u xooggan oo gaadha heer uu amino in noloshiisuba ay hooyadii ku xidhan tahay.

Kalgacalka ama jacaylka iska fogeynta ayaa isaguna sababa in ilmuhu uu ka qado jacaylkii iyo hooyonimada oo lagu tilmaamo in uu yahay jacaylka aasaasiga ah ee xoojiya kalsoonida uu ilmuhu naftiisa ku qabo. Waxa uu ilmuhu weynaanayaa isaga oo aan naftiisa jeclayn, waxa aanay ku keentaa khalkhal nafsadeed, iyo dhibaatooyin nafsiya oo tiro badan.

Haddii jacaylka walwalka ahi uu abuuro qof aan xorriyad iyo xuquuq midna tirsan, jacaylka iska fogeynta ahi waxa uu keenaa qof ka dheer kalgacal, naxariis iyo hanasho.