Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Ciyaaraha Oo Kormeeray Qaar Ka Mid Ah Garoomada Caasimadda

0
437

Hargeysa (Geeska)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinayarada,Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Sheekh Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) ayaa kormeer ku tegay qaar ka mid ah Garoomada ugu waaweyn Caasimadda Hargeysa, gaar ahaan Garoomada kubada cagta ee Tareeriska iyo Xawaadle.

Kormeerkan uu Agaasimaha guud ku tagay Garoomada Xaawadle iyo Tareeriska ayaa waxa ku wehelinayaayey Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dalxiiska.  Garoomadan oo la soo gabagaabeeyay Tartanadii kubada cagta ee Bisha Barakaysan ee Ramadaanta ayaa Agaasimuhu mar uu Kooxda Hoobaan oo ku guuleystay tartankii kubada cagta Bisha Ramadaan ee ka socday Garoonka Xawaadle uu Koobka gudoonsiinayey ayaa dar-daaran iyo dhiirigelin u soo jeediyey guud ahaan Ciyaar yahanada iyo Dhalinyarada reer Somaliland, waxaanu ugu baaqay inay Tahriibka iyo Balwadaha iska daayaan oo ay isku dayaan inay ku dedaalaan horumarkooda, waxaanu sheegay Agaasimuhu inuu ku dedaali doono sidii Ciyaaraha dalku ay u horumarin lahayeen, isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan aad iyo aad u soo dhawayynaya kooxda koobka Garoonka Xawaadle ku guuleystay ee Hoobaan iyo kooxda laga guuleystay ee Dhaxal-reeb, runtii labada kooxoodba wey dadaaleen, waxaana aad u soo dhaweeynay sida nabadgeliyada ah iyo sida quruxda badan ee Tartankani ku dhamaaday,waxaana aad ugu mahadnaqaya Dhalinyaradii is xilqaantay ee tartankan soo qaban qaabiyey, marka laga tago Ciyaarta, waxa runtii aad noo soo jiitay sida qiimaha badan ee Xaflada loo soo agaasimay iyo habka aynu u bixinayno Jaa’iisadaha ee rabash la’aanta ah, waxa kale oo aan runtii jecelahay in Garoomada kale idinkaga dayan doonan, waxaynu runtii doonayna in Ciyaaraha dalkeena kor u qaadno, inaynu Dhalinyaradeena dhiirigelino iyo in wixi itaalkeena ah ee aynu qaban karno aynaan waxba ka hakran, haddii ay tahay Dawlad, haddii ay tahay Shacab iyo haddii ay tahay Ganacsato, sidii loogu gutan lahaa in dhalinyarada loo helo saaxad ay ku ciyaari lahayeen iyo garoomadii ay ku ciyaari lahayeen iyo walibana sidii loo caawin lahaa si Ciyaaraha dalkeenu u horumaraan, ujeedada aynu u horumarinayna ee aynu ugu dadaalayno, isla markaana aynu had iyo goor ugu taaganahay sidii Somaliland ay u noqon lahayd Qaran Aduunyada ka mid ah, haddii ay noqoto Qaran Madax banaana, oo dhigeeda ka tirsan, waxa lagama maarmaan ah inay u dhisan yihiin oo ay u abuuran yihiin Instutationadii Ciyaaraha horumarin lahaa, kana shaqeeyn lahaa iyo sidii Dhalinyaradu ay Ciyaaryahada dhigooda ee Caalamka ula Ciyaari lahayeen iyo sidii Ciyaaryahano reer Somaliland ahi ay inoo soo bixi lahayeen iyo sidii ay kor ugu qaadi lahayeen ciyaaraha kala duwan sida Ciyaaraha kubada cagta, kubada koleyga, Ciyaaraha fudud, Ciyaaraha laliska iyo qeybaha kala duwan ee Ciyaaraha”.

Agaasimaha guud ee Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinaya dadka tartankan abaabulay, kuwa had iyo goor ku hawlan walibana sida tabarucaadka ah ugu shaqeeya Ciyaaraha, ee Garoomada iskaga dab qaadaya, ee meel walba u maraya, ee uu ka mid yahay Saaxibkay Siciid Ango iyo Dhalinyarada kale ee Saaxibadiiya, waxaana aad iyo aad ugu mahadcelinaya cid walba oo tartankan gacan ka geystay sida Garsoorka, Cidaanka Amaanka, Dhalinyaradii soo abaabushay iyo dadweynaha sida xaragada leh u daawanayey, waayo Ciyaaruhu kama maarmaan Taageerayaal”.

Agaasimuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Dhalinyarada waxaan ku boorinaya, kuna dhiirigelinaya inay ka waantoobaan, Dhibaatooyinka ay Balwaduhu ka mid yihiin, uu Tahriibku ka mid yahay ee runtii Dhaqanada xunxuni ka mid yihiin, waxa la yidhi caqliga fayoobi jidhka fayoow ayuu ku jira, waxaana haboon inaynu Jidhkeena dhisno, Caqligeena dhisno, Dhalinyaradeena dhisno, Quwadeena dhisno, Quruxdooda dhisno, Garoomo fiicana u dhisno, anaguna ka dawlad ahaan waanu garab taaganahay mar walba”.

Musharaxa Madaxweyne ee Xisibga UCID Jamaal Cali Xuseen oo isna halkaas ka hadlay ayaa isna dhiniciisa amaan,m dardaaran iyo dhiirigelin u soo jeediyey kooxihii kala galay kaalinta kowaad iyo kaalinta labaad ee Tartanka Xawaadle.

Dhinaca Agaasimaha guud ee Ciyaaraha Sheekh Maxamed Xuseen Axmed kale waxa uu sidoo kale dardaran iyo dhiirgelin u soo jeediyey Ciyaaryahanadii iyo kooxihii kala duwna ee ku ciyaarayey Garoonka Tareeriska oo ay ku ciyaarayeen kooxaha Valencia iyo Ifiso, waxaana sidoo kale halkaas ka hadlay Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dalxiiska Maxamed Nuux Jibriil oo sidoo kale dhalinyarada ugu baaqay inay ku dadaalan horumarka Ciyaaraha