Dawladda Somaliya Oo Loo Diiday Inay Ka Codayso Shirka ILO Ee Geneva Iyo Sababta Keentay

0
508

Picture5Geneva(Geeska)-Guddiga maamulaysa shirweynaha Ururka Caalamiga ah ee Shaqada (ILO) ee hoos-taga Qaramada Midoobay, oo ka socda Geneva ayaa dawladda Somaliya ka xanibay inay cod ku yeelato shirkaas, iyadoo la filayo in la saaro xayiraado kale.

Shirkan oo socon doona 1 June -13 June, waxa ka qayb galaya dawladda xubnaha ka ah oo ay dawladda Somaliya ku jirto, waxaana dawladda Somaliya shirka ka dacweeyey urur lagu magacaabo Federation of Somalia trade union (FESTU) oo ah urur ka dhisan magaalada Muqdisho kuwaas oo ay xubno ka tirsani ku suganyihiin shirka. Warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in ururkani dawladda Somaliya dacwad kaga oogay xarunta ururku ku leeyahay wadanka Kenya, taas oo iyaduna shirka u soo jeedisay in dawladda Somaliya laga xanibo codaynta iyo weliba khudbadda oo ay leeyihiin toddobaadkan soo socda.

Ururkan ayaa dawladda Somaliya ku eedeeyay inay farogelin ku samaysay ururkooda iyadoo xubno ka mid ah isku dayday inay shirka ka horistaagto

Hase yeeshee dawladda Somaliya oo dareensan culayska iyo dhibaatada diblomaasiyadeed ee ay talaabada madaxda ILO xayiraadda ku saartay, ayaa magaalada Geneva toddobaadkan u diraysa raysalwasaare-xigeenka Somaliya Maxamed Cumar Carte oo sidoo kale ah wasiirka dhallinyarada iyo shaqada, waxaana la filayaa inuu ka hawlgalo xalinta mushkiladda dawladda Somaliya kala kulantay shirweynaha Geneva uga socda ururka caalamig ah ee ILO.