Laba Gaadhi Oo Ka Tirsan Madaxtooyada Oo Laga Badbaadiyay Dooxyo Ku Qaaday Jidka Hargeysa/Berbera

0
457

Picture4Hargeysa(Geeska)-Laba gaadhi oo ka tirsan weftiga madaxweynaha ayaa shalay dooxooyinka u dhaxeeya Berbera iyo Hargeysa daad ku qaaday, xili ay ka ku soo jeedeen magaalada Hargeysa, iyagoo ka soo kicitimay Berbera oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ay hawlo shaqo u joogeen. Laakiin labadaba waa la badbaadiyay mana jirto cid wax ku noqotay.

Gaadhi ay saarnaayeen ilaalada madaxweynaha oo tikniko ah ayaa ka mid ahaa baabuurta daadku qaaday ee laga soo reebay, khasaare sooma gaadhin ciidankii ilaalada ahaa ee saarnaa baabuurka tiknikada ah. Kaas oo uu daadku ku qaaday dooxa Cabaad-weyne oo ka mida biyo mareenada waaweyn ee u dhaxeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

Gaadhiga ilaalada ayaa markii la soo badbaadiyey waxaa lagu soo qaaday baabuur kale, kadib markii uu gurmad u fiyey wiish iyo gaadhi booyad ah.

Gaadhi labaad oo ka mid ahaa baabuurta wefitiga ayuu isna daadku qaaday, balse laga badbaadiyay,  gaar ahaana wuxuu ku qaaday daadku Aw-barkhad, gaadhigan waxa isna watay shaqaalaha madaxtooyada.

Madaxweyne Siilaanyo oo saddex maalmood safar shaqo ugu maqnaa magaalada Berbera, ayay diyaaradi ka soo qaaday madaarka Berbera, kana soo dejisay madaarka Hargeysa.