Madaxtooyadu ha iska maydho ceebta raashinka la xaday

3
689

Hargeysa(Geeska)-Maalmihii u dambeeyay waxa isa soo tarayay wararka ku saabsan in la helay bakhaar lagu kaydiyay raashin mucaawino ah oo loogu tallo galay in lagu caawiyo dadka tabaalaysan ee Somaliland.

Deeqdan oo u muuqata in la doonayay in la musuqmaasuqo, waxa soo bixiyay qaar ka mid ah dalalka Carabta, waxaana hadda la wareegtay wasaaradda dib u dejinta Somaliland. Wasiirka dib u dejinta Md. Cabdirisaaq Cali Cismaan, ayaa saxaafadda u sheegay inay wasaaradiisu raashinkaas mucaawinada ah la wareegtay oo la dhigay bakhaar ay wasaaradu leedahay, waxase uu in badan ka war-wareegay inuu sheego cidda raashinka mucaawinada ah bakhaartka ku rogtay. Haddiise wasiirku ka war-wareego iyo haddii kaleba cidda ay ceebtani dhabta u saarantahay waa madaxtooyada Somaliland oo awoodeeda isku hoos gaysay mucaawinada loogu tallo galay umadda baahan, mana aha markii u horaysay ee ay warar noocan ahi soo baxaan, waase markii u horaysay ee si dhab ah loo qabto raashin loogu tallo galay umadda oo lagu rogtay meherado gaar ah.

Waxaana ayaan darro ah iyadoo ay gobalada Somaliland ka soo baxayso qaylo dhaan abaareed iyo macaluul badani, in raashinkii mucaawinada ahaa ee loo soo diray dadkaas lagu maamulo nidaam fool xun oo musuq iyo wax isdaba marini weheliso. Waana markii u horaysay ee la qabto mucaawino la doonayay in la musuqo oo loogu tallo galay dadka baahan. La soco oo mucaawinadani maaha mid ay xukuumadda Somaliland bixisay, laakiin waa mucaawino ay dad ehlu khayr ahi u soo direen walaalahooda reer Somaliland, waana ayaan darro inay madaxtooyadu maamuli kari weydo raashinkii mucaawinada ah ee dadkeeda baahan loogu tallo galay.

Si kastaba ha ahaate, ceebta maamul xumo ee raashinku waxa ay fadhidaa madaxtooyada oo uu fadhiyo Madaxweynihii Somaliland, waxaana looga baahanyahay inay cadayso ogaanshaheeda raashinka la doonayay in la xado ee la soo qabtay, haddii ay arrintan iska moosi weydo islamarkaana cidda lagu helo sharciga lala tiigsan waayo, waxa adkaan doonta in la isweydiin doonaa maxaa lagu aaminaa madaxtooyada raashinkii mucaawinada ahaa maamuli kari weyday.?

Geeska Afrika Staff Writer

Comments are closed.