Dawladda Kuuriyada Woqooyi Ayaa Muwaadiniinteeda Ka Mamnuucyday Jiiniska Buluugga Ah Iyo Biyaha Kulul (1)

0
300

 

Pyongyang (Geeska)- Dawladda Kuuriyada Woqooyi waxa ay caan ku tahay in ay muwaadiniinteeda ku soo rogto amarro iyo xakameyaal mararka qaarkood la yaab ku noqda dadka adduunka kale. Waxaa ka mid ah in dawladdu ay marar kala duwan farageliso ama iyadu go’aamiso labbiska iyo qaab labbiska muwaadinka, iyo arrimo la xidhiidha hab nololeedkiisa maalinlaha ah. tusaale ahaan in ay dharka qaar xidhashadooda diiddo, iyo in ay cuntooyin iyo cabbitaanno u diido sabab aan ahayn caafimaad ama dhaqan, balse siyaasad ama arrimo kale oo aan la fahmin la xidhiidhsan. Arrimahaas ayaana sababa in mar kasta warbaahinta adduunku hadal hayso habdhaqannada dawladdaas.

Qormadan waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah xeerarka xakamaynaya hab nololeedka bulshada ee dalkaas ka jira:

Jiiniska buluug ah:

Saraawiisha buluugga ah ayaa muddo dheer mamnuuc ka ahaa muwaadiniinta dalka Kuuriyada woqooyi. Dawladdu markii ay mamnuucaysay xidhashada Jiiniska waxa ay sheegtay in uu yahay calaamad u taagan imaraadooriyad iyo gumaysi reer galbeed.

Jiiniska madowga ah:

Waxa kale oo ay dawladda Kuuriyada Woqooyi dadkeeda ka mamnuucday xidhashada jiiniska midabkiisu madowga yahay. waxa se xiiso leh in sababta jiiniska midabkan leh loo mamnuucay aanay la xidhiidhin arrintii hore, balse ay tahay keliya in jiiniskan midabka madowga ah lihi uu adduunyada oo dhan ka leeyahay shacbiyad aad u badan, maadaama oo xidhashadiisu adduunka daafihiisa ku badan tahayna aan dadka Kuuriyada Woqooyi loo ogolayn in ay ku labbistaan.

Arrinta yaabka lihi waxa ay tahay in xeerka muwaadiniinta ka mamnuucaya jiinisyada madowga ama buluugga ah, marmarka qaarkood dadka aan muwaadiniinta ahayna lagu qaado. Kuwaas oo ay ku jiraan xitaa dadka dalxiiseyaasha ah ee dalka dakhliga u soo xaraynaya. Gaar ahaan marka uu qofka dalxiisaha ahi doonayo in uu galo meelaha muhiimka ah ee taariikhda dalka la xidhiidha ama matxafyada lagu xusuusto hoggaamiyeyaashii dalka soo maray. Markaas oo kale qofku waxa uu ku qasban yahay in uu soo beddelo jiiniska madow ama buluugga ah.

Internet ka:

Isticmaalka internet ku waxa uu soo maray marxalado kala duwan, waayaha qaar ciidamada iyo hay’adaha ammaanka ayaa uu u gaar ah, markii uu bannaanka u soo baxayna waxa uu muddo u xidhnaa dadka inta jeebkoodu ladan yahay iyo dadka muhiimka ah. Laakiin maanta intaasba waa uu ka soo gudbay oo waxaa la qiyaasaa in boqolkiiba 48 ka mid ah dadka adduunku ay isticmaalaan. Waxa iyaduna is beddeshay muhiimadda uu internet ku lahaa, oo waxa uu noqday dariiqa war is gaadhsiineed ee loogu isticmaalka badan yahay adduunka, iyo tiir muhiim u ah dhaqaalaha, siyaasadda, ammaanka iyo nolosha caadiga ah. Sidaa awgeed daqiiqado uu internet ku go’o waxaa dhaca malaayiin khasaare dhaqaale oo malaayiin ah iyo khataro ammaan.

Iyada oo waxaas oo dhami jiraan dalka Kuuriyada Woqooyi waxaa mamnuuc ah in muwaadiniintu ay isticmaalaan shabakadda internet ka ee aan xadhiga lahayn, sida oo kale muwaadiniinta dalka joogaa bogagga internet ka oo dhan ma geli karaan, balse 5 kun iyo 5 boqol oo bog oo keliya ayaa ay dawladdu u ogoshay, liiskaas ayuun baanu qofku ka dooran karaa bogga uu gelayo. Waxaa mamnuuc ah in la booqdo bogagga shisheeyaha ah, oo masuuliyiinta sare oo keliyi ay geli karaan.

Baabuurta

Baabuurtu waa adeegyada isgaadhsiineed ee adduunka loogu isticmaalka badan yahay, laakiin dawladda Kuuriyada woqooyi in muwaadinku gaadhi u gaar ah yeesho waxa ay u aqoonsan tahay in ay tahay ladnaan iyo raaxo nololeed oo dheeraad ah oo uu qofku doonayo. Sidaa awgeed gaadiidka ugu badan ama dawladdu ugu jeceshay in la isticmaalaa waa gaadiidka dadweynaha ee basaska iyo tareennadu ka mid yihiin oo iyagana ay maamulaan shirkado ay dawladdu leedahay.

Fahamkaas ay xukuumaddu ka qaadatay lahaanshiyaha gaadhigu waxa ay sababtay in baabuurta helitaankooda aad loo xakameeyo, taasina waxa ay keentay in qiimaha gaadhigu uu noqdo mid ay adagtahay in muwaadinka caadiga ahi iibsan karo. Gaadhi gaar ah in aad yeelataa waa calaamad muujinaysa in aad maalqabeen tahay ama aad dawladda mansab sare ka hayso.

Baabuurta ugu qiimaha hooseeya dalka Kuuriyada woqooyi waxaa lagu iibsadaa 40 kun oo doolar. Sidaa awgeed muwaadinka caadiga ah ee u dhashay Kuuriyada Woqooyi marka uu gaadiid ka fikiro waxa ugu weyn ee uu xasuustaa waa in uu iibsadobaaskiil.

Waxaa yaab leh in baaskiilka laftigiisa ay dawladdu xakamaysay, dadkana ku dhiirrigelisay in ay lugtooda maalaan. Marka laga reebo magaalada caasimadda ah iyo magaalooyinka aadka u waaweyn ee qofku aanu lug kaga geyoonayn. Haddii aad magaalooyinka aan caasimadda ahayn ee Kuuriyada woqooyi tagto dadka badankoodu waa ay lugaynayaan, caasimaddana gaadiidka ugu badan ee la isticmaalaa waa baaskiil, loo sameeyey calaamad la mid ah sumada lambarka leh ee gaadiidka.

Diinta

Dalka Kuuriyada Woqooyi waxaa ka jira aragti lagu magacaabo Joshee (Juche) oo loo aaminsanyahay in ay tahay caqiiqdada dadka iyo dalka.

Juche oo ah mabda’a dalka lagu hoggaamiyo waxaa maskaxdiisa ka keenay hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Kuuriyada woqooyi Kim il-Sung, waxa aanu macnaheedu yahay, ‘Qofku isaga ayaa isu hoggaamiye ah, wax kasta oo nolosha ku aadanna kelidii ayaa go’aankeeda leh’. Taas oo lagaga hortegeyo in qofku uu yeesho aaminsanaan Alle iyo caqiido diineed oo xakamaysa, ama u yeedhisa qaab nololeedka ay tahay in lagu socdo. Kim ll-Sung waxa uu aaminsanaa ifkir ah in caqiidooyinka diiniga ahi ay qofka ka dhigaan ka ma doorsoome aan la qabsan karin is bed-bedellada nolosha. Intii ka dambaysay markii uu hoggaamiyihii Kuuriyada woqooyi aragtidaas keenay, waxaa dalkaas ka mamnuuc ah in muwaadinka lagu arko dhaqan ama aqoon diin xidhiidh la leh. Waa la ogolyahay in dadku ay tagaan kaniisadaha, ama aaminsanaadaan diinta, laakiin si aad u adag ayaa loola socdaa dhaqdhaqaaqa kaniisadda gudaheeda iyo xitaa habdhaqanka qofka booqda kaniisadda ama meel kale oo kasta oo diin la xidhiidha.

Dadka dalka oo u badnaa diinta Buudhiisamka, ayaa weli loo ogolyahay in ay afka ka sii aaminsanaadaan, laakiin cabsida ay dadku ka qabaan dabagalka ay dawladdu ku hayso dadka caqiido laga dareemo, ayaa sababtay in goobaha cibaadada ee Buudhiisamku ay faaruqaan, kuna dambeeyaan in ay noqdaan keliya meelo dalxiisayaashu tagaan, oo laga eego taariikhdii hore ee dadkaas. La soco…

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.