Faysal Cali Waraabe Oo Si Kulul U Dhaliilay Hadalkii Taliye Taani, Kuna Baaqay In Taliye Caare La Cafiyo

0
801

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa ku tilmaamay kooxda Caare gantaal Somaliland dabada kaga yaala loona baahan yahay in xal deg deg ah laga gaadho.

Waxa uu Faysal Cali Wareebe Dhaliilay hadalkii taliyaha ciidamada Qaranka sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani waxaanu hadalkiisa ku bilaabay    “ Maanta laba arimood ayaa inagu taagan arinta Caare oo ah gantaal badhida inagaga yaala, ma dadkeena Caare oo intuu baxay soo noqday oo yidhi waar iga hooya tignikadii iyo anigiiba ilaa maanta xalin waayay, qaarbaa lahaa waa danbiile, laakiin danbi dhaaf ayaa la sameeyaa oo Alle ayaa leh dadka cafiya, inaad cafido maxay ku yeelaysaa, maxay ina yeeshay horaan u cafinaye imisa jabhadood ayaynu cafinay, waxaanu leenahay dawlada waa inay salaadiintaasi talada ay keeneen ay ka hawl gashaa iyo ta aanu siinay. Hogaamiye Xirsi isniintii, taladuu Isniintii Xirsi bixiyay, waataan hore u sheegay oo qofku marka uu talada ka maqan yahay ayuu talada yaqaanaa,dadka show caqligu markaasuu yimaadaa ninkaas taladiisa waan u qushuucay, markii ugu horaysay ee aan arko Muuse oo waxii loo sheegayay ay galeen Isniintii ayay ahayd.nimankaasi wax garxajis la yidhaaho kama tirsana waa jabhad ka cadhootay dawladoodii iyo ciidamadoodii iyo taliyahoodii, waan heshiisiinaynaa madaxweynaha halkii loo mari jiray kuwii horeba inagaga soo afjar.”

Isagoo Faysal hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “taliyahii ciidamadeenu waxuu maalintii dhawayd ku hadlay masuulnimo may ahayn, iska taga, cashuurta dadkaa bixiya ee jeebka ina Taani maaha cashuurta reer Somaliland oo dhan ayaa bixiya, waxyaabaha caynkaas ahi wax ay madaxdu ku hadasho maaha waanu ka raali galinaynaa,   Axadana waxaanu qado u samayn doonaa dadkii ka soo jeeday Sanaagta Bari.”                                                                                                                                                                                                      Ugu danbayntii waxa uu si kooban uga hadlay arimaha doorashooyinka “ Muuse la hadli mayno ee Barkhad uun baanu u daynaynaa(Afhayeenka Waddani), Madaxweyne Muuse Barkhad ugu iman mayno intiiba isagaa yidhi alle khayr ah siiyee, sidaas uu sheegayna sharci waanu jabinay umaddu hadaanay sharciga ilaalina madaxay isku dhufataa maanta golayaashaas baarlamaanku sharci daray ku fadhiyaan, Saaxiibtinimada iyo qudba sireedka madaxweynaha iyo baarlamaanku waxa uu bilaabmay 2010-kii markii Kulmiye qabsaday raga u kordhiyay Xirsi ayaa kow ka ahaa oo maanta waa Waddani, dawladii hoose oo aan wax loo macmalin ayaa soo taagan oo waliba madaxweynaha soo garab taagan, sharciga uu cashuurta ku qaadayaa maxuu yahay, sharci ma jiro, anigu maanta waxaan idhi maayarka hanoo keenina ma nin bilaa sharciyaa noo furaaya badhasaabka ayaa sharci ah ee badhasaabka u yeedha ayaanu nidhi. Reeraha waxaanu odhanaynaa saddex musharax noo keena anaga ayaa kala eeganayna tayadooda iyo iimaankooda haday xisbiyadu nala qaataan.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here