“Waa Inaynu Ka Taxadiro Wax Kasta Oo Halis Ku Ah Xasiloonideena”

0
607

Dr Cali Yuusuf Axmed

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed, ayaa ka hadlay marxalada siyaasadeed ee uu dalku marayo, waxaanu ku taliyey in aad looga taxadiro wax kasta oo halis ku ah nabadgalyada iyo qaranimada.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Sannadkii 1991 ayeynu ku dhawaaqnay dawladnimadeena, kadib markii aynu halgan dheer aynu la galnay Dawladdii Siyaad Barre,marxalado kala duwan oo badan aynu soo marnay, maantana waxaynu nahay dal dhisan, oo Caalamka ka sugaya aqoonsi buuxa inuu siiyo, markaas inaynu hore u socono oo aynu ilaashano dalkeena mooye, inaynu dib u socono looma baahna, inaynu ka taxadiro wax kasta oo halis ku ah xasiloonideena ayaa la inooga baahan yahay, Shacabka reer Somaliland iyaga ayaa u coddeeyey madax-banaanidooda”.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada mar uu ka hadlaayey Warbaahinta ayaa yidhi “Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta dalka waxaan leeyahay wararka aad baahinaysaan waa inay noqdaan warar Bulshada dan u ah, oo faa’iido u leh, laakiin wararkaasi yaanay noqon warar Bulshada iska hor keenaya, oo kicin iyo fidno abuuraya”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here