Dawladda Itoobiya Oo Ballanqaaday In Ay Dib U Dhisayso Masaajidka Taariikhiga Ah Ee Boqor Najaashi

0
800

Dawladda Itoobiya ayaa toddobaadii hore ballanqaaday in ay dib u dhis ku samaynayso masaajidka taariikhiga ah ee boqor Najaashi ee gobalka Tigray ku yaalla oo qayb ahaan burburay.

Masaajidkan taariikhiga ah waxaa ku dhexyaalla qabriga Alle ha u naxariisto ee Imaamkii cadaali ahaa ee Najaashi oo xilliyadii Nebi Muxamed (SCW) ka talin jiray Itoobia, iyo Alle ha ka raalli ahaado ee 15 ka mid ah asxaabtii Nebi Muxamed (SCW) oo ka mid ahaa asxaabtii xilligii dhibaatada Qurays badatay uu Nebigu Qarnigii 7 ee miilaadiga u diray in ay u haajiraan dhulka Xabashida.

Masaajidkan oo la aaminsan yahay in uu yahay kii ugu horreeyey ee laga dhiso qaaradda Afrika, waxaa qaybo ka mid ah soo gaadhay burbur ka dhashay hubkii cuslaa ee la isu adeegsaday dagaalkii bishii Noofambar 2020 kii ee Tigray ay dawladda Itoobiya xukunka kaga tuursay xisbiga TPLF ee gobalkaas ka talinayey.

Koox farsamayaqaanno ah ayaa ay dawladdu u diri doontaa masaajidkan si ay u soo qiimeeyaan inta uu leegyahay dhaawaca soo gaadhay oo dhinaca minaaradaha u badan, kaddibna waxaa la bilaabi doonaa hawsha dhismaha. Sida uu sheegay warbaahinta dawladda Itoobiya u sheegay agaasime ku xigeenka wakaaladda cilmibaadhista iyo dhowrista hiddaha iyo dhaqanka oo ka tirsan dawladda Itoobiya.

Talefishanka dawladda Itoobiya ayaa baahiyey muuqaallada good weyn oo dhufays u ahaa maleeshiyada TPLF, taas oo loo fahmay in ay tahay sababta keentay dagaalka ka dhacay deegaankan ee khasaaraha masaajidka sababay.

4-tii Noofambar 2020 kii ayaa ay ciidamada Itoobiya weerar ballaadhan oo loogu magacdaray ‘Sharci ku soo dabbaalista’ ay ku qaadeen gobalka Tigraay ee woqooyiga dalkaas oo uu ka talinayey xisbigii TPLF, kaddib markii 3-dii Noofambar ay maleeshiyada xisbigaas oo xukuumadda federaalka ah ka soo horjeeday ay weerar ku qaadeen taliska woqooyi ee ciidamada Itoobiya oo fadhigiisu ahaa gobalka Tigray, iyaga oo qaatay hub iyo qalab tiro badan oo saldhigga yaallay.