19 Dawladood Oo Ay Dumarku Hoggaamiyaan Iyo Natiijada Yaabka Leh Ee Ka Dhalatay Hoggaanka Dheddiga

0
898

Taariikhda Maraykanka ee 240 ka ee sano ka weyn waxaa markii ugu horreysay madaxweyne ku xigeen noqonaysa gabadh, waxaa iyaduna xusid mudan in ay tahay gabadhii ugu horreysay ee madow ah ee mansabkaas gaadha. Waa Kamala Harris oo xubin ka ah golaha Senate ka, horena u soo noqotay xeerilaaliyaha guud ee gobalka California ee dalkaas.

Marka la eego shaqooyinkeedii hore ee xidhibaannimo iyo xeerilaalinnimo, iyo doodaha iyo qorsheyaasha ay illaa hadda soo bandhigtay ee la xidhiidhka xal u helidda xanuunka sida daran u faafa ee COVID-19, dadka arrimaha siyaasadda gorfeeyaa waxa ay aaminsan yihiin in Kamala Haris ay noqon doonto xiddig ay ku daydaan guud ahaan jiilka cusub ee haweenka talada in ay qabtaan doonaya.

Marka laga tago rejada laga filayo Kamala Harris oo aan weli xilka la wareegin, waxaa jiray haween iyagu dawlado kale oo adduunka ah hoggaaminaya, dhammaantoodna guulo la taaban karo ka gaadhay. Haweenkaas waxa uu magacoodu aad u muuqday muddii uu dunida ka jiray ‘Coronavirus’ oo sida ay ula dagaal galeen, dareenka ay bulshadooda dhibban u muujiyeen iyo xidhiidhkooduba noqday mid aad uga duwan madaxda dawladaha ee ragga ah.

Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Ingiriiska oo dabayaaqadii Kulaay ee sannadkii 2020 ka lagu faafiyey madasha dhaqaalaha caalamiga ah, ayaa lagu ogaaday in faafitaankii koowaad ee fayraskanba ay la dagaalankiisa natiijo fiican iyo guulo la taaban karo ka gaadheen dawladaha ay haweenku hoggaaminayaan.

Isbarbardhig lagu samaayeye tayada iyo waxtarka dadaallada ay 193 dawladood ka sameeyeen xakamaynta iyo la dagaalanka Fayraskan waxaa ka soo baxday in 19 dawladood oo ay haween hoggaamiyaan ay ugu fiicnaayeen dhinaca xakamaynta faafitaanka Fayraskan iyo khatartiisa marka la barbar dhigo dawladaha ay raggu hoggaamiyaan.

Arrintan ayaa ay daraasaddu sheegtay in sababteeda loo tirin karo faraqa dhinaca hoggaamineed ee u dhexeeya haweenka iyo ragga madaxda ka ah dalalka la daraaseeyey.

Angela Merkel oo raysalwasaare ka ah, haweenayda hoggaamisa dalka New Zealand Jacinda Ardern, gabadha raysalwasaaraha ka ah dalka Taiwan Tsai Ing-wen iyo Sanna Marin oo raysalwasaare ka ah dalka Finland.

Maqaal ay 24 Diisambar 2020 kii haweenayda qoraaga ah ee Cécile Prieur ku qortay majaladda Faransiiska ka soo baxda ee Nouvelobs, oo ay kaga hadlaysay dawladaha haweenku hoggaamiyaan ee calanka u sida la dagaalanka COVID-19, waxa ay sheegtay in sababaha arrintan loo tirin karo ay ka mid tahay;

  1. Haweenka oo leh awood go’aan qaadasho oo degdeg ah,
  2. Haweenka hoggaamiyeyaasha ah oo uu ku yaryahay kibirka iyo iska sarraysiinta raciyadooda.
  3. Daahfurnaanta hoggaamineed oo haweenka ku badan.
  4. Iyo fahamka ay gabadhu u leedahay u kuurgalka iyo fahamka dareennada dadweyne ee ka dhalan kara go’aamada dawladda iyo sida ugu habboon ee go’aanka loogu beddeli karo ficil la falgala bulshada.

Arrimahan ayaa ay qoraagu sheegtay in ay ka mid yihiin tiirarka aasaasiga u ah ka hortagga iyo la dagaalanka Fayraskan Corona.