Dawlada Muqdisho Oo Sida Fiinta Uga Qaylisay War Ay Warbaahintu Baahisay Oo Ah Inuu Xasan Sheekh Kenya Iyo Itoobiya Ka Daalbaday Inay Deg Deg Ula Baxaan Ciidamadooda

0
678

Picture6Muqdisho(Geeska)-Warbaahinta ka jirta magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya, ayaa shalay baahisay in Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uu ciidamada Kenya ka dalbaday inay 48 saacadood gudahood kaga baxaan dalkiisa, isagoo kuwa Itoobiyana ka dalbaday inay ku noqdaan xuduudkooda.

Idaacadaha Muqdisho iyo baraha Internetka ayaa warkan shalay si weyn u baahiyay, waxaanay soo bandhigeen qoraal ay sheegeen in Madaxweynaha Somaliya uu qoray oo ku qornaa luuqadda Ingiriisida.  “Anigoo ah Madaxweynaha dawladda federaalka Somaliya, waxaan doonayaa inay ciidamada Kenya; Somaliya kaga baxaan 48 saacadood gudahood oo ay si deg deg ah ugu laabtaan xuduudkooda, anigoo sidoo kalena dawladda federaalka Itoobiya ku wargelinaya inay si deg deg ah ciidamadeeda ugala baxdo Somaliya.” Sidaas ayay warbaahinta Muqdisho sheegtay inuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku yidhi qoraalkiisa.

Hase yeeshe Wasiirul dowlaha Madaxtooyada Somaliya Faarax Sheekh C/qaadir, oo shalay shirjaraa’id ku qabtay madaxtooyada Somaliya, ayaa beeniyay warkan. “Waxa maanta [shalay] na soo gaadhay in qaar ka mid ah idaacadaha madaxa banaan ay faafiyeeen warar been abuur ah oo la xidhiidha in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu ka codsaday dowladaha deriska ah qaarkood iney ciidammadooda kala baxaan gudaha Soomaaliya hadaba waxaan dooneynaa in Madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya ay halkaan ka cadeyso in warkaasi uu yahay been abuur aan raad laheyn,websiteyada qorayna ma ahan kuwo afka dowladda ku hadla.”

Isagoo isku dayay Faarax, inuu Kenya iyo Itoobiya ka shaafiyo warkan, wuxuu ciidamada labadaas dal u diray mahadcelin, waxaanu yidhi “dawladdu waxa ay markale u mahad celineysaa dowladahaas gaar ahaanna dowladaha Kenya iyo Ethiopia oo iyagu dadaal dheer u galay in Soomaaliya laga xoreeyo cadawga argigixisada ah,waxaan kale oo aan doonayaa inaan aad u cadeeyo in  xidhiidhka ay Dowladda Soomaaliya la leedaahay dowladaha Kenya iyo Ethiopia uu yahay mid aad u wanaagsan islamarkaana qoto dheer.”

Warkan ayaa soo baxaya wakhti uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si toos ah u dhaliilay ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo, iyadoo ay wararka qaarna sheegayaan inaanay isku fiicnayn wadanka Itoobiya.