Dalka Koonfur Afrika Oo Lagu Dilay Ganacsade Somali Ah, Boob Xoogna Loogu Gaystay Ganacasiyada Somalida

0
640

Konfur Afrika(Geeska)-Kooxo hubeysan ayaa dalka Koonfur Afrika ku toogtay maalintii Khamiista ahayd ganacsade Soomaali ah, kaas oo ka dhigaya ganacsadihii saddexaad ee toddobaadkii ina soo dhaafay lagu dilo duleedyada Prot Elizabeth.

Afhyeenka booliiska magaalada Port Elizabeth, Cap.Stanley Jarvis ayaa sheegay in ganacsadahan laga toogtay madaxa, laabta iyo caloosha uuna ku dhintay halkii lagu toogtay, kooxihii dilkiisa geystayna ay ka baxadeen goobta.

Ma jirto cid loo xidhay dilka ganacsadahan Soomaaliga ah, balse sarkaalkan u hadlay booliiska Koonfur Afrika ayaa sheegay inay socdaan baadhitaanno ay ku raadinayaan kooxihii dilkaas geystay.Dhanka kale, waxaa la gubay dukaanno lana bililiqeystay dukaanno ay lahaayeen ganacsato Soomaali ah oo ku yaalla deegaanka Booysen Park oo ku taalla duleedka magaalada Port Elizabeth.

Booliiska magaaladaas ayaa sheegay in falkan ay sameeyeen kooxo burcad ah, taasina ay keentay in ganacsatadii Soomaalida ah ee deegaanaas ku noolaa ay isaga isakga tageen halkaas si ay naftooda u badbaadiyaan.“Dhammaan ganacsatadii Soomaalida ahaa ee dukaamada ku lahaa deegankaas way isaga carareen halkaas. Booliiska waxay isku dayayaan in xiisadda ay dejiyaan, balse rabshado ayaa weli socda.”

Gubitaanka dukaamadan waxaa sababay rabshado ka dhacay deegaanka ay ku yaallaan kuwaas oo dhexmaray Soomaalida iyo dadka madow ee deegaannadaas deggen.

Ugu dambeyn, afhayeenka booliisku wuxuu sheegay inay u xidheen falalkan lagu gubay dukaamada Soomaalida 11-qof, kuwaasoo uu sheegay inay ka mid yihiin dambiilayaasha ugu caansan magaaladaas iyo hareeraheeda.

Dalka Koonfur Afrika waxaa ku nool dad tiro badan oo Soomaali ah kuwaas oo intooda badan ku haysta ganacsiyo, waxayna kala kulmaan dadka ku nool deegaannada ay ganacsiyada ku haystaan dil iyo dhac joogto ah.