Dawlada Muqdisho Oo Sheegtay Inay Hargeysa Ku Qabanayso Shir Hordhac U Ah Kulanka Beljamka

0
603

Muqdisho (Geeska) – Dawladda Soomaaliya oo dedaal ugu jirta sidii ay bulshada caalamka uga dhaadhicin lahayd in Jamhuuriyadda Somaliland ka mid tahay deegaanada ay maamusho, ayaa si rasmi ah u shaacisay inay dhawaan Hargeysa ku qabanayaan shir lagu ururrinayo xog la xidhiidha baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada haysta, si bay yidhaahdeen xukuumadda Federaalku ugu darsato qorshe ay la tagayso shir bisha September ee sanadkan Soomaaliya loogu qabanayo Magaalada Brussels ee dalka Bilgium-ka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Maxamuud Xasan Saleebaan, ayaa shalay Magaalada Muqdisho ka furay shir loogu magac daray qiimaynta nugaylka ee barnaamijka hiigsashada cusub, waxaana dawladda Soomaaliya iyo ururradii bulshada rayidka ah ee ka qayb-galay ay isku waydaarsadeen fikradaha ku saabsan qorshaha midaysan ee dawladda federaalka ee Soomaaliya la tegeyso shirka bisha September ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium, shirkaasi oo dawladda federaalka ee Soomaaliya loogu yaboohi doono deeqo dhaqaale oo lagu salaynayo hadba baahiyaha ay iyadu soo bandhigto.

Haddaba, wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Maxamuud Xasan Saleebaan oo shirkaasi ka dib war-saxaafadeed guud ka soo saaray ujeedada shirkaasi iyo nuxurka fikiradihii laga dhiibtay, ayaa sidoo kale ku faahfaahiyey  qorshaha shirar kaas la mid ah oo uu sheegay inay ku qabanayaan Magaalooyinka Garoowe, Baydhabo iyo Hargeysa.

War-saxaafadeedka Wasiirka ayaa u dhignaa sidan “Aad baan ugu faraxsanahay inaan ka soo qaybgalo shirka wadatashiga, oo ah kii kowaad ee noociisa ee dalka lagu qabto ee qorshaha Hiigsashada cusub ama New Deal oo ah hannaan si toos ah dalalka burburay loo siiyo deeqo dhaqaale si ay ugu aadiyaan baahiyahooda oo ay iyagu garanayaan. Shirkan wadatashiga waxaa laga samaynayaa dalka oo dhan” sidaasi ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda.

Dhanka, ururada bulshda ee ka soo qeyb-galay wada tashiga ayaa tilmaamay halka ay ku habboonaan lahayd macaawino la siiyo Soomaaliya si ay uga soo kabato bur-burkii wadanka ka dhacay.“Kobcinta wacyiga dadka iyo waxbarashada ubadka ayaa ugu mudan maal-galinta caalamka, waxaa xiga daryeelka caafimaad iyo in dadku helaan cadaalad u shaqaysa,” ayay tidhi Maryam Takhal Xuseen oo ah masuul ka tirasan hay’ada Somali Women Development Center. Waxayna hoosta ka xariiqday inayna caawimada caalamku waxba soo kordhin karin haddii ayna ummadda Soomaaliyeed dib isu xisaabin una diyaar garoobin inay cawimadaas ka faa’iidaystaan.

Barnaamijka hiigsashada cusub waxaa lagu meelmariyey shirkii dhamaadkii sannadkii 2011- kii lagu qabtay magaalada Busan ee dalka Koonfur Kuuriya. Waxaana ujeedadu ahayd in wax laga bedelo hannaankii hore ee loo kaalmayn jiray dalalka nugul ee burburka ka soo baxaya, iyadoo markan si toos ah loo siinayo dhaqaale ay ku maareeyaan dhinacyada mudnaanta u kala leh ee ay ku soo kabanayaan.
Dawladda federaalka ee Soomaaliya oo dhowaan saxeexday barnaamijkan ayaa diyaarinaysa qorshaha midaysan oo lala hortegayo shirka bisha soo socota ee September ka dhici doona magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Shirarka wadatashiga ee maanta (shalay) laga furay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale lagu qabanayaa magaalooyinka Baydhabo, Garowe iyo Hargeysa si bulshadu Soomaaliyeed ay fikradahooda ugu biiriyaan qorshayaasha xukuumadda federaalka ee Soomaaliya.” Ayaa lagu soo gunaanaday warkan.

Geesta kale, hay’adaha xukuumadda Somaliland oo aanu isku daynay inaanu warkan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin.