Xasuusta Murugada Leh Ee Xasuuqii Jasiira Iyo Xogta Ninkii Ka Badbaaday

1
634

Picture3Akhristayaal, xalay 17 Julay, 2013, waxa ay ku beegnayd sannad guuradii 24aad ee ka soo wareegtay xasuuqii xeebta Jasiira ee 17 Julay 1989, oo ay dawladii Maxamed Siyaad Barre dhegta dhiiga u dartay 47 qof oo reer Somaliland ah oo xilligaas ku noolaa magaalada Muqdisho.

Haddaba, sida sannad kasta caadada u ah Wargeyska Geeska Afrika, waxaanu umadda Somaliland u soo bandhignaa xasuusta xasuuqaas foosha xumaa si loogu cibro qaato, waxaanan  laga bilaabo cadadka maanta idiin soo gudbin doonaa Warbixin uu Cumar Muuse, oo ahaa shakhsigii keliya ee ka badbaaday xasuuqaasi uu diyaariyay oo uu kaga waramayo sidii xasuuqaas foosha xumi u dhacay. Cumar Muuse markaasi da'diisu waxay ahayd 26 jir wuxuuna ahaa arday dhigta machadkii Maaraynta iyo Maamulka ee Muqdisho ku yaalay.  Cumar oo u waramay shabakadda wararka ee SDWO. Haddaba cadadka beri la soco qisooyinka yaabka badan ee uu muwaadinkani ka sheekaynayo.

Comments are closed.