Burco: Aragtida Dadweynaha Ee Golaha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka

0
654

Burco(Geeska)   -Dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa  si mugleh u taageeray  golaha bad- wada tashiaga iyo tosinta  Qaranka  ee magaalada Hargeysa lagaga dhawaaqay ,taasi oo sii xoojinaysa  ,taageeradii  axsaabta mucaaridku iyo bulshada reer Somaliland isla garab taageen golahaasi  .

Sidoo kale Dadweynaha reer Burco oo aragtidooda ku wajahan golahan cusub uga waramay Geeska Afrika ayaa sheegay golahan madaxabanaani in uu yahay mid reer Somalilnd mudo dheer sugayeen isla markaana taageero  la garabtaaganyihiin maadaama ,Xukuumadii la doortay ee Axmed Siilaanyo ay  wayday  mucaarid adaga oo la xisaabtama   waakuwan rayiga ay qabaan dadweynaha ku dhaqan Magalaada Burco oo aanu waydiinay rayigooda
“  Nimankan is magacaabay ee leh waxaanu nahay , Badbaado Qaran wax alaale waxa ay ku hadleen ma jirdho ,anagu waxaanu taageersanahay Dawladda iyo labada gole Qaran markaa waxaanu leeyahay nimankaasi waa odayaal sharciga baalmaray “ Sidaasi waxa yidhi Aadan Diiriye Ayaanle .
“ Anigoo ah Maxamed Ismaaciil Dubad nimanka mujaahidiinta ah iyo aqoonyahanada ee golaha Madaxabanaan Hargeysa kaga dhawaaqay  ,waa nimankii wadanka soo qabsaday ee usoo dhididay ,kuwa manta haystaa waxba kama qaban dalka ,kuwani waa kuwii dalka dhiigooda usoo  huray  waanu taageersanahay ,kuwaasaanu u baahanay  ,waa kuwa Xamartaa soo socota ee soo doobyasa dalka ka daafacaaya ,kuwa imika haystaa ma daafacayaan dalka ee buburintiisa ayay ka shaqaynayaan “ Sidaasi ayuu Maxamed File hadalkiisa kaga baxay .

Cabdirashiid Xariir Odowaa oo isna ka mid ahaa dadweynaha reer Burco ee rayigooda ka dhiibtay golahan ayaa yidhi . “  Golayaashii Qaranka sida guurtidii iyo baarlamaankiiba waxaad moodaa in ay kolba qaldamayaan oo  hawlo u gaar ah iska galayaan oo Xukuumadda ay ku taageerayaan iyadoo waxyaabo sharcidaro ah wada   ,markaa golahan badbaadada Qaranku marka ay Dawladu qaldanto marka ay golayaashu qaldamaan marka ay axsaabtu isku marmaan , odayaal badbaado Qaran ah oo dhex ah waa loo baahanyahay markaa Xukuumadu faraha ha ka qaato ,Qaranka ayay u shaqaynayaane shicibkuna wuu taageersanyahee  “ Sidaasi ayuu Cabdirashiid hadalkiisa kaga baxay.

“ Golaha toosinta iyo wada tashiga ee Hargeysa lagaga dhawaaqay ,horta anigu waan taageersanahay boqolkiiba boqol ,waxaanan leeyahay sharci u diidayaa ma jiro in golahaasi la sameeyo ,maadaama uu yahay gole madax-banaan oo tilmaamaya dhaliilaha Qaranka isla markaana toosinaaya ,waxaananu la yaabanahay waxay Xukuumadu uga xanaaqday ,maxay qarsanaysaa ? ,waxa gaadhka laga hayaana waxa weeye in Somaliland kolba Waslad la gooyo oo Somaliya lagu dhex tuuro ,sida Xukuumadda Siilaanyo wado  ,taasina aqbalimayno ,halkan waxaanu hada ka qabanqaabinaynaa gole kaas la shaqeeya oo taageersan, goboladana waxaanu leenahay sameeya golahaas ,kaasi oo ujeedadiisu tahay in uu dalka ka ilaaliyo in Somaliya loo afduubo  ,inta doorashooyinka la gaadhaayo “ Sidaasi waxa hadalkiisa kaga baxay Guddoomiyihii hore ee xisbigii UDUB ee gobolka Togdheer Ayaanle Cismaan Ibraahim.

Bashiir Suudi Xirsi oo isna ka mid ahaa dadweynaha reer Burco ayaa yidhi “ Way cadahay in madmadaw badani jiro laakiin waxaan leeyahay golahan cusub ,waar waxa fiican Xukuumadda jirta in aynu ku rid-no hab dimuqraadiya oo aynu taageero isla markaana xoojino  labada xisbi ee mucaaridka ah ,waayo waxa loo baahanyahay in aynaan samaynin wax dalka buburiya oo dib inoo celiya .

Golaha toosinta iyo wada tashiga Qaran oo ay ku bahoobeen siyaasiyiin miisaan culus kul eh Somaliland waxa ya sheegeen  in golahoodu uu yahay  gole  ay usameeyeen kaliya in ay talo iyo toosin u fidiyaan xukuumada iyo asxaabta qaranka hareerahana ka taagnaadaan Midnimada ee aanay ahayn xisbi doorasho doonayaa .

Xukuumada Somaliland ayaa si adag uga soo horjeesatay golaha sheegtayna in uu golahani yahay mid baalmarsan shuruucda dalka isla markaasna aanay marnaba  ogolaanayn in sharciga lagu tunto.