Dawlad Si Ay Musuq-Maasuqa Ula Dagaallanto Amar Ku Siisay Shaqaalaheeda, In Aanay Xidhan Dhar Jeebab Leh

0
535

Picture9Guddiga la dagaalanka Musuq maasuqa oo ah guddi aad u awood badan oo ka jira dalka Nepal ayaa soo saaray wareegto uu ku sheegayo in ay lagama maarmaan tahay in shaqaalaha ka shaqeeya madaarrada caalamiga ah ee dalka in ay ku soo shaqo tagaan saraawiil iyo shaadhadh aan lahayn haba yaraato ee waxa jeebab ah, si looga takhaluso mushkiladda musuqmaasuqa iyo laaluushka oo dalkaas aafaysay. Afhayenen ku hadlayey magaca guddidan la dagaalanka musuq maasuqa iyo laaluushka ayaa mar uu la hadlayey talefishanka ingiriiska ee BBC-da waxa uu caddeeyey in ay si isdaba jooga u soo kordhayaan cabashada dadku kaga cabanayaan shaqaalaha madaarrada caasimadda dalka ee Katmandu inay mar kasta muqus maasuq kula kacaan lacagta ay sharci ahaan tahay in ay qaadaan iyo weliba in ay hawl kasta oo adeegga waajibka ah marka ay qabanayaan ku doonaan laaluush. “Maadaama oo ay sidaa tahay, waxa aanu ku talinaynaa in dawladdu amar ku soo saarto shaqaalaha madaarradu in ay soo xidhaan saraawiil bilaa jeebab ah, si xad loogu sameeyo dhacdooyinka noocan ah” Waxa uu afhayeenku intaas ku daray in guddi gaar ah oo loo saaray arrintan madaarrada dalka Nepal ay ku ogaadeen inay dhab tahay cabashada musuq maasuq ee ka jirta madaarradu. “Waa sababtaa ta aanu u go’aaminnay in shaqaalaha madaarrada lagu qasbo xidhashada saraawiil aan jeebab lahayn. Ugu dambayntii waxa uu masuulkan u hadlay guddida la dagaalanka musuqmaasuqu ugu baaqay wasaaradda duulista madaniga ah ee dalkiisa in ay si dhaqso ah u sharciyeyso hab lebiskan cusub ee guddidu soo jeedisay.