Xaalado Dhif Ah Oo Dadku Aanay Rumaysnayn In Ay Caafimaadka La Xidhiidhaan Balse Cudur Ah (Q:4)

0
625

(Cudurka Yey-noqoshada ama aynu ugu yeedhi karno Geed-is-mariska)

Picture10Washington (Geeska)- Waa qaybtii afaraad uguna dambaysay Qormadii ka waramaysay xaalado dad dhif ah lagu arko oo aan la fahamsanayn in ay yihiin cudurro ama caafimaadkaba xidhiidh la leeyihiin. Geeska Afrika oo qormadan Afsoomaali u rogay waxa uu ka soo xigtay shabakadda wararka ee CNN oo laga leeyahay dalka Maraykanka.

4. Lycanthrope  ama Werewolf: Oo aynu Afsoomaali ahaan ku sheegi karno Yey-iska-dhige, macnihiisa ugu habboonina yahay Geed-Is-Maris. Waa shakhsiyad khayaali ah ninka ka dhigaysa yey (Dad-qaad), waxaa jira sheeko xariireed dunida meelo badna laga yaqaanno oo sheegaysa in uu jiro nin marka uu dayaxu dhamaystirmo ee xilliga caddada habeenkii isu beddela yey, keymaha iyo dhulka kalaba dhex wareega si uu u helo ugaadh, wixii uu arko dad iyo xoolana cuna, marka ay qorraxdu soo baxdana sidii caadiga ahayd aadame ugu soo noqda.

Yeygan aadamaha noqonayaa dhaqanno badan sheeko xariireedkooda dadka lagu cabsi geliyo ayaa uu ku jiraa, waxaana si gaar ah looga helaa taariikhda hore ee dalalka Shiinaha, Roomaaniya, Ayslaand, Baraasiil iyo Hayti. Halka Soomaaliduna ay ka leedahay qiso aad ugu dhow oo ah Geed-Is-mariska oo ku badan sheeko xariirada ubadka lagu cabsi geliyo.

Haddaba waxaa jira xanuun aan wax badan illaa hadda laga ogeyn, dawo rasmi ahna aan loo helin oo lagu arko dad aad u dhif ah, xanuunkan oo qofka uu ku dhacaa uu u ekaanayo sawirka malo-awaalka ah ee ay maskaxdu ka qaadato muuqaalka dadka Geed-Is-Mariska ah, ayaa xaaladaha ay keento waxaa ka id ah, in qofka si xad dhaaf ah uga soo baxaan timo aan meelaha dabiiciga ah oo keliya ka soo baxayn.

Cudurkan oo sababta muuqaalka uu qofku yeelanayo awgeed loogu magac daray shakhsiyadda sheeko xariiradaas aynu ka soo warannay ku jirta, waxaa afka caafimaadka lagu yidhaahdaa Werewolf ama Lycanthrope oo aynu ku soo macnaynay Geed-Is-maris. Cudurkani waxa uu ku yimaaddaa laba xaaladood oo ah in uu hidde ku yimaaddo iyo in uu si toos ah qofka ugu dhaco, mana jirto dawo la yaqaanno illaa hadda oo cudurkan dawenaysaa, inkasta oo timaha qofka ka soo baxaya badankooda lagu xiiro Laysar, si aanay dib ugu soo bixin.

Cudurkani dadka dhifta ah ee u dambeeyey inta la ogyahay dunida ee uu ku dhacay waa Jesus Fajardo oo uu cudurkani helay isaga oo 31 sano jir ah. Jesus Fajardo markii uu isku arkay cudurkan waa uu iska casilay shaqadii uu hayey, waxa aanu hadda ka shaqeeyaa shirkadda dhinaca Nijaaradda ka shaqaysa.