Dawada Suuxdintu Mustaqbalka Fog Waxa Ay Qofka Ku Keeni Kartaa In Xusuustu Ay Ka Lunta

0
660

Picture6Hargeysa (Geeska)- Daraasad cilmiya oo dhowaan la sameeyey ayaa daahfurtayin dawada suuxdinta ee qofka bukaanka ah lagu mudaa ay si aad ah u daciifiso xusuusta iyo heerka garaadka qofka, isla markaana ay mustaqbalka fog qofka ku keeni karto in xusuustu ay ka guurto.

Natiijada daraasaddan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladda wararka ee Bariga dhexe oo faafisay waxaa lagu sheegay in haddii qofka bukaanka ah ee suuxdinta lagu muday uu yahay qof marka hore xusuustiisu daciif ahayd, markaasna ay tahay marka ay dawadan suuxdintu khasaaraha ugu badan u sii geysanayso qofka. Sidoo kale dhibta ay irbadda suuxdintu u geysanayso maskaxda qofka bukaanka ahi waxa ay ku xidhan tahay hadba da’da iyo xaaladda caafimaad ee qofka. Sidoo kale da’da iyo xaaladda caafimaad ee qofka bukaanka ahi waxa ay kor u sii qaadaysaa halista ah in mushkilado caafimaad iyo xaalado kakani ka dhashaan suuxintiisa.

Sida caadiga ah suuxdintu waxa ay suurisaa ama firfircoonidaka qaaddaa unugyada maskaxda ee qaabilsan xusuusta, taas oo keenta in qofka bukaanka ahi aanu xasuusan dhacdooyinka xanuunka badan ee soo maraya xilliga la qalayo. Laakiin waxa ay dhakhaatiirtu sheegayaan in unugyadaas iyo maskaxda qaybteeda xasuusta ee fadhiidka laga dhigay ay mararka qaarkood waqti badan ku qaadato in ay ka soo kabtaan dawadii suuxdinta.