Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray 5km Oo Ah Jidka Hargeysa Iyo Baligubadle & Khudbadihii Laga Jeediyay

0
656

Picture5Hargeys(Geeska):-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo(Siilaanyo) ayaa shalay xadhiga ka jaray dhismaha 5km oo ka mid ah wadada isku xidhaysa gobolada Hawd Iyo Maroodi Jeex.

 Munaasibada xadhiga lagaga jarayey dhamaystirka wajiga koowaad ee dhismaha wadada Balli-gubadle-Hargeysa  ayaa waxa lagu qabtay duleedka koonfureed ee magaalada Hargeysa, waxaan ka soo qayb galay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, xubno ka mid ah golihiisa wasiirada, hogaanka xisbiga Kulmiye, Madax dhaqameedka Gobolka Hawd iyo marti sharaf kale.

 Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay munaasibadan  ayaa ka hadlay heerka ay xaurnta gobolka Hawd ee Balli-gubadle ka taagan tahay qaranka Somaliland, waxaanu soo dhaweeyey wadada haatan gacanta lagu hayo ee la dhamaystiray wajigii koowaad waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay xafladan aan maanta ka soo qayb galay waana mid u qiimo weyn, umada reer somaliland waa umad wax qabadka, horu marka iyo wadaniyada aad ugu fog, hadaladii laga soo jeediyey munaasibada iyo dhiiri gelintii waa mid aad wax noogu taraysa, wadada aynu ka hadlayno ee Balli-gubadle waa mid taariikhi ah, Balli-gubadlana taariikh ayu ku leeyahay halgankii  somaliland, waa meeshii aanu fadhiyi  jirnay, waa meeshii halganka laga maamuli jiray waana meel taariikh iyo magac leh, waxaanan hubaa inay maantana dhismaha dalka iyo horu marintiisana gacan weyn ay ka gaysanayaan.”

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu ka qayb galayo dhismaha wadada Balli-gubadle, isaga oo tilmaamay inay xukuumadiisu diyaar u tahay inay wax la qabato cid kasta oo wax qabsanaysa waxaanu yidhi “Haddii aanu nahay dawlada Somaliland waxaanu mar walba diyaar u nahay inaanu umada kala qayb galno oo shacabka ku dhiiri gelino  wax qabadka oo aanu wax la qabano haday tahay horu marinta wadooyinka , haday tahay horu marinta caafimaadka, haday horu marinta tacliinta tahay iyo haday horu marinta siyaasada tahayba, waxaanan cadaynaynaa oo aanu balan qaadaynaa inaanu dhismaha wadadan ka qayb galayno gacan weyna ka gaysan doono iyada oo muhiimad weyn u leh qaranka, mar walba dawlada somaliland diyaar ayey u tahay talaabo kasta oo umadu hore ugu marayso iyo is gaadhsiinta iyo isku xidhka umada iyo horu marinteeda taas ayaanu dawlad ugu nahay oo aanu dhiiri gelinaynaa, markaa aan wada shaqayno oo aan meel ka soo wada jeedsano.”

Wasiirka madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo madaxweynaha ka hor halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu isagu ahaa masuulkii dhagax dhigay bilowgii jidkan oo hadda meel wanaagsan maraya, waxaanu sheegay inay xukuumadu mar walba hiil iyo hoo la garab taagantahay dhismaha jidkan, isagoo sheegay inay taageero laxaad leh ka gaysan doonaan. Wuxuu Wasiir Xirsi ka digay qabyaaladda iyo dhibaatadeeda oo uu sheegay inay dalka halis gelin karto.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ah guddoomiyaha guud ee guddiga jidkan dhisaysa ayaa halkaas ka jeediyay khudbad taabatay dareenka dadkii madasha joogay, waxaanu Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa ku ammaanay horumarka. Wuxuu xildhibaan Nacnac sheegay inay dadka deegaankiisu go’aansadeen inay horumariyaan kaabayaashooda, isagoo shacabka ugu baaqay inay laabta ka ogaadaan wax wada qabsiga.

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade ayaa dhinaciisa ka hadlay wadadan waxaanu ka waramay qiimaha ay leedahay wadadaasi iyo tayadeeda waxaanu yidhi  “Mudane madaxweyna markii aad u shiraacatay dhinaca horu marka dalka waxa halkan ka cad in bulshada Hawd Iyo Hargeysi aanay kaa gaabinin ee ay ku garab guclaynayaan  oo ay markhaati u tahay wadadan qiimaha leh ee aynu maanta halkan ka furnay, waddadani waxay dheer tahay wadooyinkii hore waa diyaarad ay suura gal tahay haddii ay diyaaraduhu cidhiidhi ku noqdaan madaarka caasimada Hargeysa inay fadhiisan karaan diyaaraduhu.”

Eng Maxamed Muuse oo ka mid ah guddida gacanta ku haysa dhismaha waddada Balli-gubadle oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa ka waramay wakhtigii la bilaabay dhismaha wadadan iyo dhaqaalaha ku baxay dhamaystirka wajiga koowaad ee wadadaasi waxaanu yidhi “Mudane madaxweyne waxaanu wadadan dhignay  dhagaxii iu horeeyey bishii May ee sanadkan, waddadan aad dusheeda fadhidaa waxay ka kooban tahay todoba mitir oo  laba haad ah iyo laba mitir oo hareeraha ka xiga, waxaana la socda toban mitir oo wadada laga durkiyey dhinacyada si ay mustaqbal u noqoto wado fidi karta, waxaanay qaradeedu ka kooban tahay 7cm oo marka la garaaco isku noqonaysa 5cm, wadadan oo hada ay dhamaatay qaybteedii koowaad, waxa kale oo aanu dhamaystirnay meelihii boholaha ahaa oo aanu dhismay marka sadex meelood loo qaybiyo meel ahaan, qaybtan la dhamaystiray ee wadadana waxa ku baxday lacag dhan $650,000, waxaanan ugu tala galnay inay noqoto wadada ugu tayada wanaagsan dalka maadaama oo dalku u jihaystay horu marin, waxaanan ugu tala galnay inay waddadani kow ka noqoto waddooyinka casriga ah ee laga hir gelinayo dalka.”  Sheekh Cabdinaasir Iid, oo ku hadlayay magaca guddiga dhismaha jidkan, ayaa ka waramay heerarkii uu jidkani soo maray isagoo ka soo bilaabay sanadkii 1991 oo la bilaabay hawshii u horaysay ee jidkan.  Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Wasiirka gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, wasiir ku xigeenka shaqada iyo arimaha bulshada Marwo Shugri Xariir, Suldaanka guud ee beelaha Gobolka Hawd Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Suldaan Bare Xaaji Xuseen, Ugaas Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahdi), guddoomiyaha guddiga horumarinta Arab Maxamed Cali Madoobe, Caaqil Maxamed Xaashi, Caaqil Maxamuud Aadan Gaas, guddoomiyaha waxbarashada gobalka Hawd Cabdillaahi Ibrahim Xasan, Cuqaal iyo marti sharaf kale kuwaas oo dhamaantood ka halday qiimaha ay wadddani ugu fadhido qaranka Somaliland, waxaanay madax dhaqameedka Gobolka Hawd xukuumada iyo madaxweyne Siilaanyaba ka codsadeen inay si mug leh uga qayb galaan dhismaha wadada Balli-gubadle.