Dareeraha Ugu Qaalisan Adduunka Waxaa Laga Helaa Xayawaanka Dib-Qallooca Loo Yaqaanno

2
1891

Hargeysa (Geeska)- Dib-qallooca oo la aaminsan yahay in uu ka mid yahay xayawaannada qaniinyadoodu khatarta ku tahay aadamaha ayaa uu cilmigu ogaaday in suntiisa siyaabo kale oo waxtar aadamaha u leh looga faa’iidaysan karo. Waxa aana dhowaan la ogaaday dareere ku jira dibqallooca gaar ahaan noociisa afka qalaad lagu yidhaahdo ‘Deathstalker’ oo ah ka ugu khatarta badan, in laga heli karo suntan ugu qaalisan dhammaan noocyada suntan adduunka guudkiisa laga helo.

Halka galaan ee sunta dibqallooocan ah ayaa suuqyada kala iibsiga maaddooyinka sunta ah ka maraysa 39 Milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Laakiin taas macnaheedu ma’aha in dhaqashada dibqallooca iyo suntiisa oo si fudud loola soo baxaa ay tahay ganacsi sahlan. Waayo waxa ay dhakhaatiirtu caddeeyeen in ganacsigani uu u baahan yahay waqti iyo dadaal. Iyo dhibta ugu daran oo ah in sida keliya ee dibqallooca sunta looga saari karaa ay tahay in gacanta loola tago dibqalloco kasta gaarkiisa oo laga soo tuujiyo dheecaanka sunta ah ee ku jira.

Halkii dibqallooc waxaa laga miiri karaa sun aan ka badnayn 2 Miligaraam, taas oo macnaheedu yahay in marka u uqofku doonayo hal galaan oo suntan ah, uu u baahanayo in uu in ka badan 2 milyan iyo badh jeer soo tuujiyo sunta. Shaqadan adag waxaa tijaabiyey cilmibaadhayaal iyagu hal-abuuray qalab cusub oo awood u leh in uu sunta ka soo nuugo dibqallooca. Qalabkaas oo meel durugsan laga isticmaalayo ayaa awood u leh in uu halkii marba afar dibqallooc suntan ka soo nuugo. Sida ay ku warrantay shabakadda arrimaha ganacsiga ka faalloota ee Business insider.

Sunta dibqallooca ayaa ay khubaradu sheegeen in ay aad muhiim ugu tahay isticmaalka arrimo la xidhiidha caafimaadka. Waxaana ka mid ah in maaddo sunta dibqallooca ku jirta oo lagu magacaabo Cloroxin loo adeegsado daweynta kansarka ku dhaca maskaxda iyo xangullaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here