Dr. Bulxan Oo Ka Sheekeeyay Sababta Uu Xasan Sheekh Madaarka Ugu Jeex-Jeexay Heshiiskii Ay Isaga Iyo Siilaanyo Ku Saxeexeen Djibouti

3
1590

Hargeysa(Geeska)-Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan oo ka mid ahaa ergadii
Somaliland ee ka qayb gashay shirkii Djibouti ka qabsoomay December
2014 ee Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa sheegay in Madaxweynihii hore
ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu jeex-jeexay heshiis uu dalka
Djibouti kula saxeexday madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed
Siilaanyo.

Dr. Xuseen Bulxan oo hadal ka jeediyay kulan Hargeysa ka dhacay oo
lagaga hadlay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu sheegay
in Soomaaliya wakhtigaas ka cadhootay in dalka Djibouti lagu soo daro
wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya si ay Djibouti u noqoto
xidhaaga dhinaca heshiiska jebiya.

Dr. Bulxan oo arrintaas ka hadlaayay wuxuu yidhi “Tii ahayd dawlad
kale ma doonayno ayaanu aniga iyo Yuusuf (Yuusuf Garaad) ku heshiinay
in Djibouti noqoto xidhaaga haddii wada hadalada Istanbul socon waayo,
anaana fikrada soo dhigay markii la diiday wax kale ayaan idhi
Djibouti halagu daro.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Dr. Bulxan yidhi “Markii aanu ula
tagnay ayaa la yidhi ma doonayno Djibouti inaad soo gelisaan oo anaga
iyo Djibouti ayaad isku kaayo dilaysaan. Cabdikariim (Cabdikariim
Guuleed, wasiirkii daakhiliga ee Xasan Sheekh] markuu diiday ayaanu
nidhi ma adigaa Cabdikariimoow Madaxweyne ah mise Xasan Sheekh, markii
Xasan loo dhiibay nuqul, ayaa Cabdikariim intuu cararay ku yidhi Xasan
Sheekh arrinkaas diid, Xasan Sheekh ayaa Wasiir Maxamed Biixi isna ku
yidhi sidii, dabadeed Maxamed Biixi ayaa ku yidhi Xasan Sheekh
madaxweyne arinkan aad leedahay ka saar ma arrinka Djibouti  ayaad
doonaysaa inaan ka saarno markaas ayuu arrinkii fashilmay oo uu
Ismaaciil Cumar Geelana kor u soo fadhiistay waayahay ee ku daayay
ayuu yidhi waanu saxeexay. Madaarkii ayuu Xasan Sheekh ku jeex jeexay
heshiiskii, sidaan warar rasmi ah ku helay.”

Qodobada sannadkaas 2014 ay Somaliland iyo Soomaaliya ku heshiiyeen
ayaa kala ahaa:

1. Dardargalinta wada hadalada iyo in loo yeelo waqti ku jaan go’an

2. Fulinta wixii lagu heshiiyay iyo in la dardar geliyo mashaariicda
dib u dhiska iyo howlaha bini’aadanimo, lana siyaasadeyn.

3. Fulinta heshiiskii hawada ee labada dhinac ku heshiiyeen.

4. In Wada hadalka lagu soo daro ama laga qeyb galiyo Xeeldherayaal
iyo dawlado saxiib ah.

5. Ilaalilnta xuquuda aadanaha, iskaashi labad dhinac dhex mara , in
meel looga soo wada jeesto argagixisada iyo budhcad badeedka.

6. In kulanka xiga uu dhaco 26-27 Febraayo  ee 2015 kana dhaco stanbul.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here