Aargoosigu Waxa Uu Qofka Ku Beeraa Kalsooni Darro Iyo Naftiisa Oo Uu Ka Raalli Noqon Waayo

0
724

Hargeysa (Geeska)- Haddii aad doonayso in aad guulo wax ku ool ah ka gaadho guud ahaan noloshaada iyo gaar ahaan xidhiidhkaaga dhinaca bulshada iyo sumcad wanaagga, waa in aad barataa sida loo cafiyo cidda kugu qaldanta, dhanna isaga tuurtaa jacaylka ka aarsiga dadka ku dulmiya.

Daraasad cilmi ah oo uu Geeska Afrika soo turjumay ayaa qirtay in aargoosigu qofka ku keeno camal la'aan iyo bulshada oo uu ka faquuqmo. Waxa intaa dheer in uu qofka aarsiga badani noqdo mid aan nafsi ahaan naftiisa uga raalli ahayn si ku habboon. Waxa ay daraasaddan ka marag kacday in dadka aaminsan in dadka ku xad gudba ay kula dhaqmaan mab'daha ah ilig ilig ku gud, il-na il ugu aar ay noqdaan inta badan kuwo dadka ka dhex baxa, diiqad iyo isku buuq badanna qaada aakhirka gaar ahaan marka la barbardhigo dadka cafiska badan ee aan iyagu wixii naftooda soo gaadha aargoosi u raadsan. Diinta Islaamka ayaa iyaduna qofka kula dardaaranta in aanu ku deg-degin aarsiga, sida ku cad taariikhda islaamkana abid lama arag nebigeenii Muxambed (SCW) oo arrin naftiisa ah u aargoosanaya.