Wada Hadaladii Somaliland Iyo Somaliya Ee Bishan June Qorshaysnaa Oo Mar Kale Dib Loo Dhigay Iyo Dareenada Wada Hadalada Ku Xeeran

0
475

Picture6Hargeysa(Geeska)-Wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya oo hore loo qorsheeyay inay bishan June badhtankeeda ka furmaan wadanka Turkiga, ayaa mar kale dib loo dhigay. Si rasmi ah looma garanayo sababta dib loogu dhigay wada hadaladan oo dhawr goor oo hore dib u dhacay, mana jiro wax war ah oo ay labada dhinac ka soo saareen, waxase warar uu Geeska Afrika helay sheegayaan inay dawladda Somaliya codsatay in dib loo dhigo wada hadalada, oo mar kale la qorsheeyay inay horaanta bisha Jully ee soo socota qabsoomaan. Xukuumadda Somaliland oo wada hadalada oo markii hore ku furmay weji qaran ka saartay xisbiyada mucaaradka, oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo sababaha kolba dib loogu dhigayo wada hadaladan ayaanay noo suurtugelin, waxase la sheegayaa in keliya lagu soo wargeliyay in wada hadalada oo uu wasiir Maxamed Biixi Yoonis hore u cadeeyay inay bishan furmayaan dib loo dhigay.

Xisbiyada mucaaradka iyo siyaasiyiinta kale ee madaxabanaan ayaa dhawr goor xukuumadda u soo jeediyay inay ka baxdo wada hadaladaas, maadaama oo aanay waxba soo kordhin. Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo si sibiq ah u bilaabmay ayaa u muuqda inay noqdeen kuwo aan wax natiijo ah soo kordhin, mana jiro hadal qodob oo k amid ah qodobadii lagu saxeexay Turkiga oo la hirgeliyay, waxaana dhammaantood ka baxday dawladda Somaliya.

Dawladda Somaliya ayay dadka siyaasadda falanqeeyaa aaminsanyihiin inay raadinayso jid ay ka baxdo oo ay kaga dusto wada hadalada, waana sababta koowaad ee ay kolba u codsanayso in shirka dib loogu dhigo, halka ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo mar walba diyaarka ugu tahay ka qayb galka wada hadaladaas oo kharash ku baxa mooye aan natiijo kale laga gaadhin.