Xisbiga WADDANI Oo Baaq U Diray Xukuumadda Iyo Shacabka Somaliland

0
541

Hargeysa (Geeska)-Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa baaq u diray Xukuumadda talada dalka haysa iyo guud ahaan Shacabka reer Somaliland, xilli ay sii kordhayaan dadka uu ku dhacayo xanuunka Coronavirusku, waxaanu ku baaqay in taxadir aad u badan la muujiyo, oo lagu dadaalo sidii ka hor tag iyo badbaadin loo sameeyn lahaa.

Xoghaye ku-xigeenka Xisbiga mucaaradka ee Waddani Jamaal Jaamac Xaamud, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Qof walba wakhti ayuu wedku u imanayaa, qof wed ka badbaadayana ma jiro, haddii cid wed ka badbaadaysana hore ayaa looga badbaadi lahaa, oo Ambiyadii iyo Nebigeenii ayaa la deyn lahaa, nolosha adduunyaduna waa maalmo iyo wakhti kooban, ee in akhiro ha loo shaqaysto, oo sahlaydii iyo camalkii wacnaa ee lala tagi lahaa loo shaqaysto ayaa la inaga doonayaa, mar haddii aynu nahay dad muslim ah, waxaa mar walba inala habboon inaynu aamino qadarka iyo qof walba wuxuu ALLE ugu talagalay inuu helayo, markaas ALLE ha ina badbaadiyey”

Mr. Jamaal wuxuu farriin u diray Xukuumadda “Waxaa wanaagsan oo aan Xukuumadda ugu baaqaya inay muujiso dadaal dheeraad ah oo ay kaga hor tagayso xanuunkan Coronaviruska, oo wacyigelin aad u balaadhan ha samayso, dadkuna taxadr dheeraad ah ha sameeyaan, oo Xukuumaddu awoodda ha saarto sidii ay uga hor tagi lahayd fiditaanka xanuunka Coronaviruska iyo inay ka hor tagti inuu bulshada dhexdeeda ku faafo, bulshada laftooda waxaan leeyahay qof walba iska shakiya looma baahna inuu aamusnaan galo, ee goobaha caafimaadka ha la soo xidhiidho”.

Dhinaca kale wuxuu ku baaqay in wax soo saarka iyo dhul beerista dalka xooga la saaro, si looga maarmo waxyaabaha dalka dibadiisa ka yimaada.