Danjire David Shinn Oo Ka Hadlay Doorashooyinkii Somaliland, Tabashada XAQSOOR Iyo Dhallinyaradii Geeriyootay

0
733

 

danjireHargeysa (CNN) Professor, David Shinn, ayaa cadeeyey in dawladda Maraykanku fiiro dhow siin doonto natiijada u danbaysa ee goob-joogeyaasha caalamigu ka bixiyaan doorashooyinka deegaamada Somaliland, sidoo kalena eegi doonto eedayta XAQSOOR ee dhaliisha nidaamkii doorashada.

 

David Shinn, oo wax ka dhiga jamaacada George Washington, ee Maraykanka, hore muddo dheer u ahaa safiirkii USA ee Itoobiya, ayaa ku tilmaamay khalad rasaastii ay ciidamada Boolisku dhawaan u adeegsadeen dadkii mudaharaadayay,  isagoo xukuumada Somaliland-na u soo jeediyey xaqiijinta inaanay mar danbe dhicin.

Professor, Shinn, oo isagoo ku sugan Washington, uu weriye Maxamuud Walaaleye, oo bahda Geeska Afrika ka tirsani, wareysi la yeeshay ayaa sheegay inay Somaliland ku amaanan tahay ku qabasha doorashooyinka xilligood, oo waddamo badan oo aduunka aanay gaadhin, jawaabhii uu bixiyeyna u dhaceen sidan:

Sidaad u aragtaa doorashooyinkii deegaamada ee dhowaan ka dhacay Somaliland, ee warbixinta hordhaca ay ka soo saareen goob-joogeyaashii caalamku?

Somaliland Waxay mudan tahay in lagu amaano u qabashada doorashooyinka si joogto ah. Sidaad la socotid, qaar ka mid ah wadamadda Afrika iyo meelo kaloo aduunka ka mid ah uma qabtaan doorashooyinka wakhtigooda, ama doorashooyin-ba lagama qabto. Waxa jiray, si kasta, warar sheegayey in rabshado iyo meel aanay codayntii ka dhicin oo gobolada Barriga Somaliland ka mid ah. Xadigii codeeyaasha ee dalka intiisa kale waxa la soo sheegay inay aad u sareysay. Wakiilada Waaxda horumarka Barlett (DPU) ayaa qabanqaabiyey tiro gaadhaysay 51 goob-joogeyaal caalami ah oo kormeerayey doorashadaa. Taasi way yareyd marka loo eego baaxada dhulka Somaliland. Waxay gaadheen boqolkiiba labaatan goobahii codeynta, oo macnaheedu yahay, uma suurto-gelin inay kormeeraan xaaladihii codeynta meelo badan oo Somaliland ah.

Goob-joogeyaashii DPU waxay sheegeen in codeyntii u dhacday guud ahaan si xor ah, oo xasilooni leh, isla markaana inta badan dadku ku qanacsanaayeen. Dhinaca kale, waxay indhahooda ku arkeen isku-dey baaxad weyn oo codeyn ku noqnoqosho ah, sababteedana ahayd diiwaangelin la’aanta codeeyaasha. Waaya-aragnimadii Somaliland ka soo korodhsatay doorashooyinka ilaa 1991, waxaan filayey inay wakhtigan wanaagsanaan lahayd.

Maxuu saamayn yeelan karaa qiimayntii doorashadan ee goob-joogeyaashii caalamku marka loo eego xukuumada Maraykanka?

Xukuumada Maraykanku guud ahaan qiimo weyn ayey u fadhidaa fikradaha dhexdhexaadnimada ee qiimaynta doorashada goob-joogeyaal caalami ah. Iyadoo, DPU ahayd caalamiyan kooxda keliya ee goob-joog ka ahayd doorashadaa, waxaan qabaa in dawlada Maraykanku fiiro dhow siin doonto warbixintooda u danbaysa. Waxuu Maraykanku sidoo kale eegi doonaa eedeynta kooxaha sida XAQSOOR ku dhaleecaynayaan nidaamkii doorashada.

Beesha caalamku diyaar ma u tahay bixinta dhaqaalaha ku baxaya diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha ka hor doorashooyinka soo socda ee Somaliland?

Hadii xukuumada Somaliland soo diyaariso qorshe macquul ah oo ku saabsan diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, aan dhaqaalahiisu aad u badnayn, waxaan rumaysnahay, in beesha caalamka qaarkood lagu cadaadin karo maalgelinteeda. Waxa muuqata in diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha loo baahan yahay inay horumariso nidaamka doorashada.

Sidaad u aragtaa u adeegsigii  ciidamada booliiska Somaliland rasaas nool, mudaharaadayashii dhagaxa tuurayey? Miyaanay beesha caalamka waajib ku ahayn inay tababaro ku saabsan ka hortaga mudaharaadyada iyo qalabkooda siiso booliiska Somaliland?

Maadama, aanan goob-joog ahayn Somaliland dwakhtigii doorashooyinka, ma xaqiijin karo in rasaas nool loo adeegsaday mudaharaadyaal dhagax tuurayey. Hadii taasi dhacday waa khalad, xukuumadana waxa looga baahan yahay xaqiijinta inaanay mar danbe dhicin. Shaqsiyan, waxaan jeclaan lahaa in beesha caalamku siiso tababaro ciidamada abooliiska Somaliland. Balse, dhab ahaan, taasi ma suurtowdo. Sababtoo ah, waayo-aragnimo xun oo hore wadamo ciidamada booliiska loo tababaray soo maray, waxa jirta, ka maagasho inay tababar siiyaan ciidamad abooliiska wadamo badan. Dalal kooban, sida Turkiga, ayaa badi tababarada booliiska fidiya.