Maydka Inan Da’deeda Lagu Qiyaasay 15 Jir La Filayo In Uu Baraf Dilay 500 Oo Sano Ka Hor Ayaa La Helay

0
3664

 

meydSalta (Geeska)- Koox ka mid ah culimada Raad-raaca noloshii taariikhda ka hor iyo baadhista hadhaaga aadamaha ee qaddiimiga ah ayaa helay maydka gabadh dhimatay 500 oo sano ka hor oo cilmi ahaan la ogaaday in markii ay dhimatay da’deedu ahayd 15 jir. Si joogto ah ayaa ay culimada takhasuskan lihi u helaan hadhaaga quruumihii hore, laakiin markan waxaa mucjiso iyo amakaag noqotay in maydka inantan yare e ay heleen ee dhimatay 500 oo sano ka hor, aanu haddana wax is beddel weyn ahi ku dhicin, dhismaha jidhka iyo muuqaalkeedaba, sababtuna ay tahay baraf dhan walba ka qabsaday maydkeeda, muddadaa dheerna ku dheggenaa deegaanka ay ku dhimatay awgii.

 

Baadhitaanno kadib waxa ay khubarada raad-raaca hadhaaga aadamuhu sheegeen in inantan yari ay noolayd xilligii ay jirtay imabardooriyaddii Inca oo muddo dheer ka jirtay dunida, saldhiggeeduna ahaa Koonfurta Qaaradda Ameerika gaar ahaan dhulka ay hadda ku fadhiyaan dalalka lagu magacaabo Peru, Chile iyo Argentina. Waxa ay taariikhdu sheegaysaa in xadaaradda Inca ay dunida aad uga soo dhex mudhay intii u dhaxaysay sannadihii 1438dii illaa 1533kii dhalashadii nebi Ciise (CS) kadib, waxa aanay khubarada hadda gacanta ku haysa baadhitaanku sheegeen in maydka inantan yari uu yahay kii noociisa ugu horreeyey ee la helo isaga oo isu dhamaystiran oo uu sidan mucjisada ah baraf u ilaaliyey.

Shaybaadho caafimaad oo lagu sameeyey maydkan la helay ayaa iftiiminaya in ay qabtay caabuq-sambabada ah kaas oo u saan-saan eeg cudurka hadda dunida ka jira ee Qaaxada, in kasta oo a ysheegeen in sababta ay inantani u dhimatay aanay ahayn cudurka. Waxaa la filayaa in arrintani ay khubarada caafimaadka wax badan ka caawin doonto in ay wax ka ogaadaan cudurradii taariikhda ka hor aadamaha ku dhici jiray iyo xidhiidhka ay la yeelan karaan kuwa casriga ah, taas oo horseedi karta in la helo habab casri ah oo la iskaga daweeyo ama difaaco cudurro badan oo hadda jira, iyo welib in la ogaado khataraha uu cudurku lahaa xilliyadaa kala duwan.

Khubarada raad-raacu waxa ay sheegayaan in inantan yar uu dilay qarax Foolkaane 500 oo sano ka hor ka dhacay buurta Llullaillaco ee ku taalla xuduudka uu dalka Argentina la leeyahay dalka Chile, sida muuqatana inantani markan waxa ay ka mid ahayd dad uu qaraxu ku qabsaday figta buurtan oo baraf ah.

Si kastaba ha ahaato ee khubaradu waxa ay sheegeen in qofka hadda arka maydkani uu u qaadanayo in toddobaadyo ka hor uu dhintay. Johan Reinhard oo ah ku takhasusay cilmiga-raad raaca noloshii iyo dhaqankii dadkii taariikhda ka hor jiray (archaeologist) oo ka hadlaya sida uu maydka inantan yari ugu muuqday mid cusub ayaa yidhi, “Markii ugu horraysay ee aan gacmaheeda arkay jidhidhico ayaan is-dhaqaajin kari waayey, waayo waxa ay u ekaayeen gacmo qof nool” Qawmiyadda Incas ayaa aaminsanaa in buuraha barafka ah oo figta sare looga baxaa ay qofka u dhoweynayso Alle iyo carshigiisa xidhiidhka uu la leeyahay Ilaahayna fiicnaynayso.